Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Walde ayaa Maanta Lagu Aasay Nairobi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Walde ayaa Maanta Lagu Aasay Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee waxaa maanta qabuuraha Langaanta ee Magaalada Nairobi lagu aasay Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalo Magaalada Nairobi.

Aaska marxuum Walde oo ahaa ruug-cadaa saxaafadeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro,xildhibaano,Mas’uuliyiinta safaarada Soomaaliya ee dalkani Kenya,Siyaasiyiin,waxgarad,Culumaa’udiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille oo ay aadisku garanayen allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde ayaa ka sheekeeyay intii uu ka garanayay taariikhda marxuumka.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille ayaa sheegay in marxuumka uu ka shaqeeyay wasaarada Warfaafinta,islamarkaana uu noqday agaasimaha idaacadaha Soomaaliyeed,maadaama ay xiligaasi jireen oo kaliya Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa.

“Waxa uu ahaa dadkii ay ka timid figrada shirkii Imbakasi ee lagu dhisay dowlada hada dalka ka jirta,isagoo sidoo kalna hormuud ka ahaa dhisidda maamulka Puntland”Ayuu sii raaciiyay Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille ayaa intaasi ku daray in allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde uu noqday marxuumka kaliya si wada jir ah looga tacsiyeeyo meel kasta oo ay joogto ummada Soomaaliyeed.

Ka dib Aaska Marxuumka ayaa waxaa geeridiisa ummada Soomaaliyeed iyo eheladiisaba uga tacsiyeeyay Xildhibaanada ay ka midka Yihiin Pro Maxamed Cabdi Gaandi iyo xildhibaan Abshir Xasan Abshir,danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo Siyaasiyiin uu ka mid ahaa C/raxmaan Baadiyow.

Wasiirka Cadaalada ee xukuumada Soomaaliya C/laahi Jaamac Ilka-jiir oo ka soo qeyb galay aaska marxuumka ayaa ummada Soomaaliyeed iyo eheladiisa uga tacsiyeyay geerida marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde.

IMG_4865 IMG_4866 IMG_4870 IMG_4892 IMG_4904 IMG_4915 IMG_4921 IMG_4922 IMG_4923 IMG_4924 IMG_4933 IMG_4935 IMG_4936 IMG_4941 IMG_4944 IMG_4951 IMG_4952 IMG_4959 IMG_4960 IMG_4961 IMG_4962 IMG_4965 IMG_4966

Sawir qaade:- Hassan Omar Baffo

Previous Post

Xarun caafimaad oo markii u horeeysay laga hirgaliyay Deegaanka Bitaale ee Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaamiyaha Suudaan uga tacsiyeeyay geerida Dr. Al Turaabi

Next Post
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaamiyaha Suudaan uga tacsiyeeyay geerida Dr. Al Turaabi

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In