Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tubta Toosan

Alshabaab oo u kala jabay Alqaacidda iyo Daacish

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Tubta Toosan, Wararka, Xulashada
0
Alshabaab oo u kala jabay Alqaacidda iyo Daacish
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab ayaa tabar ahaan iyo isku tiirsanaanba sii wiiqmeysa, ka dib markii uu ragaadiyay khilaaf u dhexeeya horjoogeyaasha kooxda.

Qaar ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Shabaab, ayaa bilaabay in ay kooxda isaga baxaan, halka qaarkoodna ay bilaabeen in ay ku biiraan kooxo kale oo argagixiso sida Daacish oo ka dagaallanta Suuriya iyo Ciraaq.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Maalmo ka hor garab ka tirsan Alshabaab, ayaa ku dhawaaqay in ay isaga bexeen Alqaacidda, ayna ku biireen Daacish.

In ka badan 50 ka tirsan maleeshiyadan, ayaa ka soo muuqday muuqaal Video la soo dhigay internet-ka ayagoo ku sugan buuraleyda Galgala ee gobolka Bari , kuwaas oo shaaciyay in ay isaga bexeen Alqaacida iyo Alshabaab, ayna ku biirayaan Daacish.

Kooxdan Shabaabka goosatay waxaa hoggaaminaya nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin, oo ka mid ahaa horjoogayaashii dhinaca dicaayadda iyo marin habaabinta dhallinyarada u qaabilsanaa Alshabaab.

Horjoogeyaasha Shabaab sida Axmed Diiriye iyo Mahad Karataay, ayaa aad uga soo horjeeda in lagu biro Daacish, laakiin waxaa jira horjoogeyaal kale oo saameyn leh oo u ololeynaya in Shabaab ku biirto Daacish.

Sababaha kooxdu ugu wareegeyso Daacish, ayaa la rumeysan yahay in ay ugu weyn tahay in Alqaacidda ay dhaqaale beeshay, sidaas darteedna ay uga baxayaan.

Hoggaanka Alshabaab ayaa isku dayaya in uu xakameeyo goosashada maleeshiyaadka doonaya in ay Daacish ku biiraan. Ugu yaraan 100 dabley ah ayaa la sheegayaa in la xirxiray, markii sheegeen in ay daacad u yihiin Daacish.

 

 

Previous Post

Wasiiro iyo Xildhibanno ka qeyb galay kulan looga hadlayay doorka haweenka ee siyaasadda dalka “SAWIRRO”

Next Post

War Deg Geg ah:Qarax lala Eegtay Kolonyo Gawari ah

Next Post
Khudbadihii madaxda ee xafladda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug oo socota

War Deg Geg ah:Qarax lala Eegtay Kolonyo Gawari ah

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In