Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo cambaareeysay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xarunta Xalane.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu cambaareeyay weerarkii argagixiso ee shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shalay xilligii qadada ay kooxo argagixiso ah isku dayeen ineey galaan xarunta aadka loo ilaaliyo ee Xalane, halkaasoo ay kala kulmeen dagaal culus.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Warka ayaa intaasi ku daray in raggi weerarka soo qaaday  5 ka mid ah la dilay, halka 3 ka mid ah argagixisada la sheegay in nolosha lagu qabtay.

AMISOM ayaa xaqiijisay in weerarkii shalay ay ku geeriyoodeen 3 ka mid ah ciidanka AMISOM iyo qof rayid ah, waxeyna AMISOM tilmaantay in ammaanka xarunta ay xasiloontahay islamarkaasna ay ciidamada Midowga Africa iyo shaqaalaha UN-ka ay bed qabaan.

Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya  Maman S. Sidikou ayaa aad usoo dhaweeyay sida dhiifoonaanta leh ee ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM uga hortageen weerarka lagu soo qaaday xarunta Xalane.

Amb. Sidikou ayaa uga tacsiyeeyay ehelada iyo qaraba  dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta Xalane, isagoo hoosta ka xariiqay in dadkaasi ay u geeriyoodeen difaaca dalka ayna galeen taariikhda Soomaaliya.

Wakiilka ayaa hoosta ka xariiqay in weerarada argagixiso ee noocan oo kale ah aysan marnaba hakad gelineynin howsha ay Midowga Africa iyo beesha caalamku ku garab taaganyihiin dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

R/wasaare Sharma’arke oo ka hadlay qorshahiisa siyaasadeed uu dalka ku hogamindoono (Dhageyso+Sawirro)

Next Post

R/wasaare Sharma'arke oo ka hadlay qorshahiisa siyaasadeed uu dalka ku hogamindoono (Dhageyso+Sawirro)

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In