Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo cambaareysay weerarkii Hotel Saxafi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 1, 2015
in Wararka
0
AMISOM oo cambaareysay weerarkii Hotel Saxafi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa cambaareeyay weerarkii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku qaaday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in hogaanka AMISOM uu shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayo dadkii ku nafwaayay weerarkaasi, waxaana inta ku dhaawacantay uu u rajeeyay in uu Alle bogsiiyo.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

AMISOM ayaa amaan u jeedisay ciidanka Amniga ee dowladda sida deg deg ah ee ay uga jawaabeen falka argagixisadu ku soo weerartay hotelka, isla markaana ay ula wareegeen guud ahaan amniga hotelka howlgallo ay ku dileen kooxihii weerarka soo qaaday.

War-saxaafadeed ayaa lagu xusay in AMISOM ay mar waliba garab taagantahay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga ee dalka, si looga hortago falalka ay maleegayaan Al-Shabaab, waxaana uu intaa ku daray in Midowga Afrika ay ka go’antahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xasilinta iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo si kulul u cambaareeyey weerarki Hoteelka Saxafi

Next Post

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tegay dalalka Sacuudiga, India iyo Imaaraadka Carabta

Next Post
Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tegay dalalka Sacuudiga, India iyo Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tegay dalalka Sacuudiga, India iyo Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In