Sunday, May 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tegay dalalka Sacuudiga, India iyo Imaaraadka Carabta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 1, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tegay dalalka Sacuudiga, India iyo Imaaraadka Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 1 November 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib booqashooyin uu ku soo kala bixiyey dalalka Boqortooyada Sacuudiga, Jamhuriyadda India iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa ku bilaabay Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Boqorka dalkaasi, Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis Al Sacuud iyo madax kale. Labada hoggaamiye ayaa kulankooda ku gaarey heshiisyo dhowr ah oo iskaashi, oo ay ka mid tahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xirfadaha kala duwan leh ay shaqooyin ka helaan dalka Sacuudiga.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025

Go’aankan waxaa uu Soomaaliya kala mid dhigaya waddamada kale ee horay Sacuudiga heshiiska uga dhexeeyay ee muwaadiniintooda ay sida sharciga ah uga xoogsadaan Sacuudiga.Waxaana meesha ka bixi doonta dhibaatooyinkii ay Soomaalida dalkaasi kala kulmi jireen ee dhinaca sharciyada shaqada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib socdaal ku tagey magaalada New Delhi, halkaas oo uu kaga soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 3-aad ee waddamada Afrika iyo India ee dhinaca iskaashiga dhaqaalaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kadib tegey magaalada Abu Dhabi, caasimadda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu maanta ku dhagax dhigey dhismaha safaaradda cusub ee Soomaaliya ku leedahay dalkaasi, kaas oo dhismihiisa ay maalgelineyso dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole.

Previous Post

AMISOM oo cambaareysay weerarkii Hotel Saxafi

Next Post

DEG DEG-Xisbiga Caddaaladda iyo Hormark ee Dalka Turkiga oo guulo ka gaaray doorashada Dalkaas.

Next Post
DEG DEG-Xisbiga Caddaaladda iyo Hormark ee Dalka Turkiga oo guulo ka gaaray doorashada Dalkaas.

DEG DEG-Xisbiga Caddaaladda iyo Hormark ee Dalka Turkiga oo guulo ka gaaray doorashada Dalkaas.

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In