Monday, September 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo siineyso ciidamada Soomaaliya tababar ku aaddan kobcinta haweenka ku jira qaybta amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 22, 2017
in Wararka
0
AMISOM oo siineyso ciidamada Soomaaliya tababar ku aaddan kobcinta haweenka ku jira qaybta amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 22 Nofeembar 2017 – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa ay siminaar labo maalmood socon doona u qaban-qaabisay xubnaha ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya, kaas oo ku aaddan sida loo kobcin lahaa haweenka lana taageerro ku darista haweenka arrimaha goobta shaqada.

Tababarka la siinayo ugu yaraan 32 shakshi oo ka mid ah shaqaalaha qaybta amniga oo ka kala socda Dowladda Federaalka ah iyo xubnaha federaalka ayaa waxaa gacan ka geysanaya Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

September 15, 2025
Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

September 15, 2025

Danjire Francisco Caetano Madeira oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee u fadhiya Soomaaliya ayaa xilli uu furayay siminaarka ka dhacaya caasimadda sheegay in tababarka uu waafajin doono ciidamada ammaanka ee Soomaaliya qaab-dhismeedyada ka jira caalamka iyo gobolka oo ay dhiseen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

“Qaraarka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee caddadkiisu yahay 2372 ee (ku darista) waajibaadka cusub ee AMISOM, waxaa uu xoogga saaraya dhowrista isla-xisaabtanka, in la helo ciidamo amni oo lala xisaabtami karo kuwaas oo u hooggaansan waajibaadyada caalamiga, gaar ahaan dhinaca Xeerka Caalamiga ah ee Bani’aaddinimada iyo Xeerka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha. Ilaalinta haweenka iyo sinnaanta jinsiga waa muhiim,” ayuu hadalkiisa ku yiri Danjire Madeira.

Tababarka oo laga bilaabi doono maamul goboleedyada waxaa uu qayb ka yahay mashruuca AMISOM ee karti dhisidda jinsiga ee loogu talagalay ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Mudane Jim Haggerty, oo ah Madaxa Barnaamijka Sanduuqa Colaadda, Amniga iyo Xasilloonida ee Soomaaliya iyo La Taliyaha Xasilinta ee Safaaradda Ingiriiska, ayaa ballanqaaday in ay sii wadayaan taageeridda mashruuca.

“Inta aan awoodno, waan sii wadeynaa in aan taageerno u fidinno barnaamijkan iyo barnaamijyo kale oo ka soo farcama bilooyinka iyo sanadaha soo socdaba,” ayuu yiri Jim Haggerty.

Ku xigeenka Wasiirka Difaaca ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, ayaa aqoonsaday muhiimadda ay leedahay in haweenka la siiyo fursado siman, gaar ahaan dhinaca jegooyinka go’aan gaaridda.

“Haddii aysan jirin xuquuqda Haweenka, marka ma jirto xuquuqda beni’aadanka, Haddii aan dhowrno xuquuqda haweenka, waa markaas marka aan dhihi karno waxaan dhowrnay xuquuqda beni’aaddamka,” ayuu ku yiri ka qayb-galayaasha siminaarka.

“Waa sidaasi darteed ayay muhiim inoogu tahay in aan soo baxno oo aan horumarinno xuquuqda haweenka.”

DHAMMAAD

Previous Post

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad mariyay Hindise Sharciyeedka Ladagaallanka Argagixisada

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo faah faahisay mashaariicda ay ka fulineyso Gobollada dalka “Dhageyso”

Next Post
Wasiir ku xigeenka Maaliyadda xukuumadda F. S. oo dhagax dhigay dhismaha xarunta maamulka Gaalkacyo+Sawirro

Wasaaradda Maaliyadda oo faah faahisay mashaariicda ay ka fulineyso Gobollada dalka "Dhageyso"

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

September 15, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay magaalada Dooxa shirka...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

September 15, 2025
0

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray Ceeldheer, Bariirre, Sabiid, Caanoole iyo Wargaadhi waxa ay direen dhawr fariimood...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

September 14, 2025
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa afar fariimood ku sharaxay jabinta difaacyadii iyo...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In