Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo tababar ku saabsan arrimaha bini-adanimada ku qabatay magaalada Jowhar

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
AMISOM oo tababar ku saabsan arrimaha bini-adanimada ku qabatay magaalada Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa tababar hal maalin ah magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabeelle ku qabatay,kaasi oo si aad ah diirada loogu saarayo qawaaniinta qaabilsan Arrimaha bini-adanimada iyo Milatariga,qeybna ka ah wada xaajood u dhaxeey AMISOM iyo Bulshada rayidka ah.

“Caqabadaha bini’aadanimo waxa ay ku baaqayaan in la kordhiyo isuduwidda iyo wada-xaajoodka u dhexeeya AMISOM iyo la-hawlgalayaasha ka shaqeeya aagagga dib gacanta loogu soo celiyay,” ayuu yiri Abdul Diabagate,oo ah Sarkaalka ugu sareeya howlaha bini-adanimada ee AMISOM.

Doodaha la isku dhaafsanayay tababarka ayaa u muuqday kuwo inta badan diirada saarayay baahida loo qabo in la kordhiyo dhaq dhaqaaqa iyo fududeynta arrimaha bini-adanimada iyo waliba in la kordhiyo isdhexgalka bulshada goobaha ay ka jiraan dhibaaooyinka ba’an iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Tababarka ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay dhiira gelinta iskaashiga u dhaxeeya Saraakiisha Xiriirka rayidka ah AMISOM iyo la howl-galayaashooda,waxaana sidoo kale ka qeyb galayaasha la dareensiinayay  muhiimadda ay leedahay ilaalinta Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, mabaadii’da bani’aadamnimada iyo Sharciga Qaxootiga Caalamiga ah.

AMISOM ayaa sheegtay in tababarka kan xiga uu ka dhici doono magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Previous Post

Trump ‘will walk out’ if North Korea talks not fruitful

Next Post

Kooxo hubeysan oo Ganacsato Soomaaliyeed ku dilay Koonfur Afrika

Next Post
Kooxo hubeysan oo Ganacsato Soomaaliyeed ku dilay Koonfur Afrika

Kooxo hubeysan oo Ganacsato Soomaaliyeed ku dilay Koonfur Afrika

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In