Wednesday, July 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kooxo hubeysan oo Ganacsato Soomaaliyeed ku dilay Koonfur Afrika

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Kooxo hubeysan oo Ganacsato Soomaaliyeed ku dilay Koonfur Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

July 28, 2026
Dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

July 28, 2026

Kooxo burcad ah oo aan heybtooda la garaneyn ayaa xalay weerar ku qaaday goob Ganacsi oo ay muwaadiniin Soomaaliyeed ku lahaayeen dalka Koonfur Africa,waxayna weerarkaasi ku dileen hal ruux halka saddex kale ay ku dhaawaceen.

Weeraradaan oo ahaaa kuwa siyaabo kala duwan ay u qaadeen kooxda burcadda ayaa waxaa ay ka kala dhaceen xaafadaha kala ah Oronjo Farm ee hoos timaada magaalada Johannesburg iyo magaalada Pretoria ee caasimadda dalka Koonfur Afrika.

Calas Axmed Xasan oo dhacdada koowaad gooob joog u ahaa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kooxda soo weerartay ay ahaayeen ilaa afar ruux oo hubeysan kuwaasi oo marka ay goobta ganacsiga soo galeen xabado ku dhuftay marxuumka geeriyooday, kadibna ay dhaawac iyo jirdilo u geystay laba ruux oo kale ayaga oo markaasi ka dibna ka qaatay lacago iyo kaararka teleefanada lagu shubto.

Alle ha u naxariisteen Maxamed waxaa uu noqonayaa muwaadinkii labaad ee Soomaali ah oo lagu dilo goobtiisa Ganacsiga todobaadkaan gudihiisa,sida ay sheegeen dhalinyarada Ganacsiga ku heysata xaafada uu weerarka ka dhacay.

Arrintaan ayaa noqoneysa mid wallaac ku abuurta Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Africa gaar ahaan dhalinyarada ku ganacsatada Xaafadda Oronjo Farm ee hoos timaada magaalada Johannesburg.

Gudoomiyaha dhalinyarada Soomaalida e dalkaan Koonfur Afrika Maxamed Cumar talyaani ayaa sheegay in todoabaadkaan gudahiiisa dalka Koonfur Africa lagu dilay laba ruux oo Soomaali ah ayadoo tirada dhaawacana ay gaareyso ilaa iyo lix ruux oo Soomaali ah.

Ciidamada Police-ka ayaa tagay goobaha falalkaan ay ka dhaceen waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baritaano la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxahii falalkaan ka dambeeyay.

C/laahi Maxamuud Amiin (C/laahi Qorshe)

Johannesburg-South Africa.

Previous Post

AMISOM oo tababar ku saabsan arrimaha bini-adanimada ku qabatay magaalada Jowhar

Next Post

Shirka Gollaha Wasiiradda Soomaaliya oo lagu Ansxiyay Tubta Arrimaha Bulshadda iyo Xeer Mamnuucya Jarida Dhirta iyo Dhoofinta Dhuxusha.

Next Post
Shirka Gollaha Wasiiradda Soomaaliya oo lagu Ansxiyay Tubta Arrimaha Bulshadda iyo Xeer Mamnuucya Jarida Dhirta iyo Dhoofinta Dhuxusha.

Shirka Gollaha Wasiiradda Soomaaliya oo lagu Ansxiyay Tubta Arrimaha Bulshadda iyo Xeer Mamnuucya Jarida Dhirta iyo Dhoofinta Dhuxusha.

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

July 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo uu wehliyo Safiir Ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Mukhtaar Mahad...

Dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

July 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan laba geesood ah...

Soomaaliya iyo Rwanda oo Xoojinaya Xiriirka  Diblomaasiyadda

Soomaaliya iyo Rwanda oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadda

July 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa kulan laba geesood ah...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo Wadahadal dhanka Taleefanka la Yeeshay Dhiggiisa Dalka Urdun

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo Wadahadal dhanka Taleefanka la Yeeshay Dhiggiisa Dalka Urdun

July 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta wadahadal dhinaca taleefanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In