Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo xaqiijisay in askarooda ay ku lug yeesheen iibinta qalabka loo keeno

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
AMISOM oo xaqiijisay in askarooda ay ku lug yeesheen iibinta qalabka loo keeno
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in shan kamid ah askartooda lagu xirey magaalada Muqdisho maaalintii shalay kadib markii lagu eedeeyay in ay iibinayeen qalab ciidanka iyo sahey kale.
War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in askarta lagu soo qabtay howlgal si wadajir ah ay u sameeyeen ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo kuwo AMISOM taas oo ka dambeysay baaritaano lagu sameeyay arintan.
AMISOM waxaa ay horey u heshay warar sheegaya in qaar kamid ah askarta ay ku lug leeyihiin falal sharci daro ah waxaana la sameeyay baaritaan ku saabsan arintan oo AMISOM ay la kaashatay booliiska Soomaaliya. Baaritaankii ayaa ugu dambeyntii keenay in askarta la qabto ayagoo gacanta kula jira iibinta shidaal iyo jawaanada ciida lagu shubo loona isticmaalo difaaca.
AMISOM dulqaad uma heyso kuwo u dhaqma si xirfad la’aanta ah oo ka tirsan askartooda dambiiliyaasha waxaa ay mudanayaan ciqaab waafaqsan sharciga. Dhammaan ciidanka ka tirsan AMISOM waa in ay u hogaansanaadaan sharciga iyo anshaxa qofkii ka waacda hanaankaas ciqaab ayuu la kulmayaan tanna waxaa lagu dhaqangelin doonaa heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ka dhaxeeyay isla markaana lagu unkey howlgalka.

AMISOM, oo la shaqeynaysa ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay wadi doonaan baaritaanada sida oo kale ah si xididada loogu siibo arintan. Waxcaana la qaado doonaa tallaabooyinka aas aasiga ah si loo joojiyo ficilada noocaan ah.
Howlgalka midowga Afrika ayaa waxaa ay ka badan yihiin 22,000 oo askari kuwaas oo ka shaqeynaya soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya waxaana go’aankoodu yahay in ay hadafkaas xaqiijiyaan ma ahan in ay noqdaan kuwo daneystiyaal ah sida hadda ay sameeyeen tiro yar oo kamid ah askarta.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ardayda galay Imtixaanka shidaadiga ah ee dowladda oo Galgaduud loogu sameeyay xaflad

Next Post
Ardayda galay Imtixaanka shidaadiga ah ee dowladda oo Galgaduud loogu sameeyay xaflad

Ardayda galay Imtixaanka shidaadiga ah ee dowladda oo Galgaduud loogu sameeyay xaflad

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In