Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo xaqiijisay in askarooda ay ku lug yeesheen iibinta qalabka loo keeno

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
AMISOM oo xaqiijisay in askarooda ay ku lug yeesheen iibinta qalabka loo keeno
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in shan kamid ah askartooda lagu xirey magaalada Muqdisho maaalintii shalay kadib markii lagu eedeeyay in ay iibinayeen qalab ciidanka iyo sahey kale.
War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in askarta lagu soo qabtay howlgal si wadajir ah ay u sameeyeen ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo kuwo AMISOM taas oo ka dambeysay baaritaano lagu sameeyay arintan.
AMISOM waxaa ay horey u heshay warar sheegaya in qaar kamid ah askarta ay ku lug leeyihiin falal sharci daro ah waxaana la sameeyay baaritaan ku saabsan arintan oo AMISOM ay la kaashatay booliiska Soomaaliya. Baaritaankii ayaa ugu dambeyntii keenay in askarta la qabto ayagoo gacanta kula jira iibinta shidaal iyo jawaanada ciida lagu shubo loona isticmaalo difaaca.
AMISOM dulqaad uma heyso kuwo u dhaqma si xirfad la’aanta ah oo ka tirsan askartooda dambiiliyaasha waxaa ay mudanayaan ciqaab waafaqsan sharciga. Dhammaan ciidanka ka tirsan AMISOM waa in ay u hogaansanaadaan sharciga iyo anshaxa qofkii ka waacda hanaankaas ciqaab ayuu la kulmayaan tanna waxaa lagu dhaqangelin doonaa heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ka dhaxeeyay isla markaana lagu unkey howlgalka.

AMISOM, oo la shaqeynaysa ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay wadi doonaan baaritaanada sida oo kale ah si xididada loogu siibo arintan. Waxcaana la qaado doonaa tallaabooyinka aas aasiga ah si loo joojiyo ficilada noocaan ah.
Howlgalka midowga Afrika ayaa waxaa ay ka badan yihiin 22,000 oo askari kuwaas oo ka shaqeynaya soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya waxaana go’aankoodu yahay in ay hadafkaas xaqiijiyaan ma ahan in ay noqdaan kuwo daneystiyaal ah sida hadda ay sameeyeen tiro yar oo kamid ah askarta.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ardayda galay Imtixaanka shidaadiga ah ee dowladda oo Galgaduud loogu sameeyay xaflad

Next Post
Ardayda galay Imtixaanka shidaadiga ah ee dowladda oo Galgaduud loogu sameeyay xaflad

Ardayda galay Imtixaanka shidaadiga ah ee dowladda oo Galgaduud loogu sameeyay xaflad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In