Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ammaanka magaalada Baydhabo oo siweyn loo adkeeyey iyo diyaar garow doorashada oo la dareemayo

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ammaanka magaalada Baydhabo oo siweyn loo adkeeyey iyo diyaar garow doorashada oo la dareemayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

January 26, 2026
๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

Iyadoo 5 bishan loo balansanyahay in doorasho ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaa waxaa sii kordhayay ololaha loogu jiro tartanka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed oo ay u taagan yihiin musharixiin dhowr ah.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda doorashada ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,iyadoo shacabka deegaanadaasi ay ka dhursugayaan ciida ku soo bixi doonta doorashada.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana magaalada lagu arkaya ciidamo isugu jira kuwa maamulka Koonfur Galbeed,iyo kuwo kale oo halkaasi gaaray si ay u xoojiyaan sugidda nabadgeliyada xiliga doorashadu ay dhacayso.

Mudane Xasan Xuseen Maxamed ย oo ah wasiirka amniga Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed oo ka hadlayay ciidamo shalay gaaray magaaladaasi ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii ay u xoojin lahaayeen ka hortaga in kooxaha argagixisada Alshabaab ay weerar ka geystaan magaalada inta lagu guda jiro arrimaha doorashada.

โ€œSax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo Federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,โ€ ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Federaalku oo isgarabsanaya waxbadan ka tarayaan sugidda amniga magaalada Baydhabo,oo haatan ah goob mashquul xoogan oo siyaasadeed uu kajiro maadaama ay dhacaysa doorasho ayna muhiim tahay in amniga shacabka siweyn loo adkeeyo iyo hanaanka doorashada.

Previous Post

FBI-Da Mareykan oo sheegtay in ay cadeymo ka heleen qof 90 qof dil u geystay

Next Post

Howlgal lagu Dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo laga fuliyay G/Baay.

Next Post
In ka badan 15-Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo lagu dilay Jubbada Dhexe

Howlgal lagu Dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo laga fuliyay G/Baay.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

January 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In