Wednesday, August 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

FBI-Da Mareykan oo sheegtay in ay cadeymo ka heleen qof 90 qof dil u geystay

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
FBI-Da Mareykan oo sheegtay in ay cadeymo ka heleen qof 90 qof dil u geystay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
War ay soo saartay Waaxda dambi-baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa lagu sheegay in ay aaminsanyihiin  in Samuel Little, oo 78 jir ah uu ka mid yahay dadka dilalka ugu badan geystay ee lagu xusi karo taariikhda dalkaas,kadeib markii uu shaqsi ahaantiisa qirtay in uu dilay ilaa 90 qof oo,waxaana dilalkaasi ay dhacayeen muddo 40 san gudohooda qeybo kamid ah dalkaasi Mareykanka.

Saraakiisha laamah aDambi-baareyaasha Mareykanka ayaa sheegaya iney ilaa hadda xaqiijiyeen in ninkan uu ka dambeeyay 34 dil islamarkaana ay ku howlan yihiin sidii ay u soo saari lahaayeen kuwo kale,waxaana falalkaasi la sheegay in ay dhacayeen laga soo bilaabo 1970 ilaa 2005tii,taasi oo noqotay arrin mucjiso ah oo ay dadku layaaban yihiin.

Ninkan 78 jir ah oo lagu magacaabo Samuel Little Little ayaa waxaa uu haatan qaadanayaa xukun xabsi daa’in ah,kaasi oo lagu xukumaya sanadka markuu ahaa 2014kii xiligaasi oo lagu heley in uu dilay 3 haween ah.

Laamaha ammaank aMareykanka ayaa Samuel Little  gacanta ku soo dhigay sandkii 2012 ilaa xiligaasina uu xabsiga kujiray,xiligaasi oo loo soo qabtay arrimo ay kamid yihiin ka ganacsiga Maandooriyaha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaritaano la xiriira dhanka DNA ay sahashey in cadeymo loo helo dialal qorsheysan oo la la’sanaa cidda ka dambeysay,waxaana falalkaasi ay dheceen intii u dhexeysay sanadkii 1987 ilaa 1989,waxaana 3 haween ah la sheegay in dilkoodi loo adeegsaday marka hore jirdil kadibna meydadkoodi lagu tuurey meel qashin ah.

Wuxuu ku cataabay inuusan dambi galin, balse waxaa ugu dambeyntii lagu riday saddex xukun oo xabsi daa’in ah oo is daba socda, isagoo aan wax fursad ahna u heli doonin in cafis loo fidiyo.

FBI-Da Mareykanka ayaa xaqiijisay in ninkaasi Samuel Little  uu falalka dilalka ah uu ka geysan jiray Gobolada California iyo Maryland,isagoo u gu dambeyntii qirtay in uu dil u geystay ilaa 90 qof oo Mareykanka ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ammaanka magaalada Baydhabo oo siweyn loo adkeeyey iyo diyaar garow doorashada oo la dareemayo

Next Post
Ammaanka magaalada Baydhabo oo siweyn loo adkeeyey iyo diyaar garow doorashada oo la dareemayo

Ammaanka magaalada Baydhabo oo siweyn loo adkeeyey iyo diyaar garow doorashada oo la dareemayo

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay kulan duco iyo...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

August 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In