Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Amniga Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo wufuud IGAD kasocota oo soo gaareysa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Amniga Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo wufuud IGAD kasocota oo soo gaareysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Inkastoo dhawaanahaanba Ciidamada amaanka Soomaaliya ay adkeeyeeen amaanka caasimadda iyo Gobollada dalka isla markaana howlgallo is daba joog ah oo lagu baacsanayo nabad diidka ay ka socdeen Magaalooyin dhowr ah oo caasimaddu ka mid tahay Hadana 48 dii saac ee la soo dhaafay waxaa la kordhiyay howlaha amniga la sugayo iyadoo ciidamo dheeeraad ah la soo dhigay wadooyinka caasimadda.
Wadooyinka magaalada Muqdisho inta badan waxaa lagu arkayay ciidanka Booliska oo aad u Feejigan isla markaana Xaqiijinaya amaanka iyadoo Ciidanku ay baarayaan Gaadiidka Dadweynaha iyo dadka socda wadada hareeraheeda .
Qaar ka mid isgoysyada caasimadda oo aanu kula kulanay ciidanka iyagoo howlaha amaan sugida ku jira waxaa ay saraakiisha Booliska ah Ee hormuudka u ah ciidanka amaanka goobahaas Sugayay noo sheegeen in la sii wadi doono Howlahaan inta Maleeshiyaadka nabad diidka ah laga sifeynayo dalka si aanay u geysan falal dadka shacabka ah lagu gumaado.

Col. Maxamed Daahir Cabdulle Taliyaha saldhiga Booliska degmada Hodan ayaa ka mid ahaa saraakiisha aan la kulanay ee amniga sida weyn u sugayay isagoo xusay in howshu soconeyso habeen iyo maalinba si looga hortago araggaxisada.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Goobaha qaar ciidamada AMISOM ayaa lagu arkayay iyagoo Sugida amniga qayb ka ah, gaadiidka shacabka ayaa ah kuwo laga celinayo wadada Maka al Mukarama ee Madaxtooyada hormarta iyadoo dadweynaha iyo gaadiidka loo fasaxay wadooyinka kale si ay u isticmaalaan.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/Dhexe Qaasim Axmed Rooble. ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed waxaa uu faah faahin ka siiyay Howlgaladaan lagu adkeynayo amaanka caasimada ee ciidamada amnigu ay wadaan waxaana uu tilmaamay in lagu qabtay maalmihii ay socdeen hub iyo dad la tuhmayo. Β 
Adkeynta amniga magaalada Muqdisho in kastoo mar walba ay ciidamadu u taagan yihiin hadda waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo saacadaha soo socda fufuud caalami ah ay ku soo fool leeyihiin waxaana ka furmaya shirka urur goboleedka IGAD oo Somalia ay Marti gelineyso mudo 29 sano ah ka dib.

Magaalada Muqdisho waxa ay horay u marti gelisay shirkii Golaha amaanka QM oo soo booqday Waxaana Muuqata in Somalia Muuqaalkii horay looga heystay ay wax badan iska bedeleen.

Previous Post

Dhalinyaro ka mid noqoneysa ciidanka Badda Galmudug oo tababar loo furay

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In