Wednesday, July 6, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhalinyaro ka mid noqoneysa ciidanka Badda Galmudug oo tababar loo furay

January 8, 2015
in Wararka
0
Dhalinyaro ka mid noqoneysa ciidanka Badda Galmudug oo tababar loo furay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qeybtii sadexaad ee ciidamo lagu biirinayo ciidamada badda ee maamulka Galmudug ayaa tababar uga furmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyadoo ay tababarkani bixinayaan saraakiil khubaro ah oo ku xeeldheer arrimaha badda.

Ciidamadan ayaa muddo tababarkan ku qaadan doona magaalada Gaalkacyo iyadoo kadibna loo qaadi doono dalka dibediisa si ay u qaataan tababar aqoon kororsi ah oo la xiriira ilaalinta xeebaha dowlad goboleedka Galmudug si ay ula dagaalamayaan kooxaha burcad badeedka iyo argagaxisada.

Related posts

Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

July 6, 2022
Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ka shiray howlaha hortebinta leh ee horyaalla Wasaaradda

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ka shiray howlaha hortebinta leh ee horyaalla Wasaaradda

July 6, 2022

Wasiirka kaluumeysiga,kheyraadka badda iyo dekedaha maamulka Galmudug C/qaadir Cali jaamac Qalabxoor ayaa sheegay in ciidamadan ay muhiimad gaar ah u leeyihiin deegaanada Galmuudg iyo guud ahaan badda Soomaaliya maadaama sida uu tilmaamay ay bateen burcada ka qowleysata xeebaha gobollada dhexe isagoo xusay inay ku filnaan doonaan ilalainta xeebaha iyo ka hortaga burcadbadeeda.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay kordheen maraakiibta badaheena ka gurta kalluunka iyo macdanta sidaa darteedna loo bahaanyahay in laga hortago xaalufka ay maarakiibta shisheeye ku hayaan xeebaheena.

horay ayaa mudo laba jeer ah waxaa dalak Jabuuti tababar ugu soo qaatay ciidamada badda ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug kuwaasoo xiligan howlo muhiim ah ka haya deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Previous Post

Aas’aaskii ururka iskaashatooyinka oo loo dabaal degay

Next Post

Amniga Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo wufuud IGAD kasocota oo soo gaareysa

Next Post
Amniga Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo wufuud IGAD kasocota oo soo gaareysa

Amniga Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo wufuud IGAD kasocota oo soo gaareysa

Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

July 6, 2022
0

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Serbia. Danjiraha ayaa kulan wax ku...

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ka shiray howlaha hortebinta leh ee horyaalla Wasaaradda

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ka shiray howlaha hortebinta leh ee horyaalla Wasaaradda

July 6, 2022
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr.Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim ayaa kulan ballaaran la yeeshay Agaasimayaasha Waaxaha, Madaxda Qeybaha iyo Mashaariicda ee...

Madaxweynaha Jubbaland oo furay kalfadhiga 4aad ee maamulkiisa

Madaxweynaha Jubbaland oo furay kalfadhiga 4aad ee maamulkiisa

July 6, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland.  ...

Madaxweynaha JFS oo sidiiran loogu soodhaweeyay madaxtooyada Turkiga “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo sidiiran loogu soodhaweeyay madaxtooyada Turkiga “SAWIRRO”

July 6, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn maamuus sare leh loogu sameeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In