Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqalka Sare oo deeq lacageed gaasiiyay qaar kamid ah dadkii ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Duufaanada ku dhuftay Dalka

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Aqalka Sare oo deeq lacageed gaasiiyay qaar kamid ah dadkii ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Duufaanada ku dhuftay Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa looga hadlaya arrimo dhowr ah oo ay kujiraan amaanka,iyo arrimaha gurmadka Fatahaadaha,oo guddigaasi ay si weyn uga hadleen.

Guddiga ayaa marka ugu horeysay wuxuu baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka ka socda Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,iyagoona fariin loogu diray madaxda Puntland iyo Soomaaliland.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Dhinaca kale intii kulankaasi uu socday ayaa guddiga gurmadka fatahaadaha ee Aqalka Sare ayaa mar kale lacago ugu deeqay dadka ku dhibaateysan qeybo kamid ah gobolada dalka sida deegaanada Jubbaland,Puntland iyo Owdal Somaaliland,iyagoo ku sheegay in Aqalka Sare uu dhibaatooyinka la qeybsanayo shacabka.

Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhag Dheer ) guddiga Gurmadka Fatahaadaha ee Aqalka Sare ayaa sheegay in mar kale Senatorada ay lacago u uruuriyeen dadka Soomaaliyeed qaar ka mid Gobolada Dalka ku dhibaataysan.

“Waxaan rabna in maanta markale aan idin sheeegtay in aan iska uruurinay lacag ka badan 50,000 kun oo dollar,lacagtaasi oo siii oo kale ay iska soo uruuriyeen tabarta ayaa intaasi la eg balse kama harayno in aan u gurmano dadka dhibaatadu haysato,waxaa dhacday Musiibo Qaran,waa in lagu buraarugaa meelaha qaar waxaa ka dhacay Duufaano, markale waxaan ugu baaqeynaa shacabka in ay u gurmadaan walaalohooda,waxaan rabnaa in aan idin sheegno sida aan ugu talagalnay lacagtaasi,inkastoo aysan waxba u tarin”.Ayuu yiri Senator(Dhag-Dheere).

“lacagta oo 50,000 kun ah 20,kun oo kamid ah waxaan ugu talagalanay dhibaatadii ka dhacday Soomaaliland gaar ahaan Owdal,waxaan rabnaa in aan hortiina ugu wareejino Senataradii aan u wakiilanay,waxaan sidoo kale aan rabnaa in aan Jubbaland ku wareejino 20,kun oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadaha Webiga Jubba,sidoo kale waxaa lacag kale oo dhan 10,kun ugu deeqnay qaar kamid ah dadka kunool goobaha ay dhibaatadu ka jirto ee Puntland”. Ayuu yiri Senator(Dhag-Dheere).

Previous Post

30 Qof oo ku dhimatay is Rasaasayn ka dhacday Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah

Next Post

Tahriibayaal lagu rasaaseeyey Dalka Liibiya

Next Post
Tahriibayaal lagu rasaaseeyey Dalka Liibiya

Tahriibayaal lagu rasaaseeyey Dalka Liibiya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In