Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tahriibayaal lagu rasaaseeyey Dalka Liibiya

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Tahriibayaal lagu rasaaseeyey Dalka Liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka laga helayo Dalka liibiya ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashey rasaas lagu furay dad Tahriibayaal Afrikaan ah oo Soomaali ay kujirto,kuwaasi oo ka soo baxsaday xabsi kuyaalay dalkaasi.

Muqalisiin ku sugan Dalka Liibiya ayaa lagu soo waramaya in ay rasaas ku fureen illaa 100 qof oo tahriibayaal ah,kuwaas oo isku dayay in ay ka baxsadaan meel lagu hayay,waxaana ka dhashey qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Related posts

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026

Goobta ay wax ka dheceen ayaa ah magaalada Bani Waliid ee Dalkaasi Liibiya,waxaana ku dhimatay 15 qof oo kamid ah dadkaasi baxsadka ahaa,iyadoo sidoo kae lagu dhaawacay illaa 25 qof sida ay soo tabisay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF oo war ka soo saartay dhacdadaasi.

War ay soo saartay hay’adda Hay’adda MSF ayaa lagu sheegay in dadka waxyeelada soo gaartay ay ka midyihiin Soomaali, dad u dhalashay dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Wadanka Liibiya ayaa noqotay dalka ugu badan ee laga tahriibiyo dadka doonaya in ay galaan Qaaradda Yurub,hase ahaatee waxaa ay dadku kala kulmaan dhibaatooyin xoogan tahriibkaasi.

Warka hay’adda ayaa intaasi ku darayaa in kooxo kala duwan ay kala iibsadeen tahriibayaasha, iyada oo meel lagu haystay muddo 3 sanadood ah,Balse markii ay u adkaysan waayeen ayay isku dayeen in ay baxsadaan, xilligaas oo rasaasta lagu furey.

Kumanaan muhajiriin Afrikaan ah oo Soomaali kujirto ayaa ku dhimatay Badda  loo yaqaano Mediterraneanka oo isku xirta Afrika iyo Yurub,iyagoo baadi goobaya sidii ay u heli lahaa yeen nolol ka duwan midda dalkooda kajirta.

Previous Post

Aqalka Sare oo deeq lacageed gaasiiyay qaar kamid ah dadkii ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Duufaanada ku dhuftay Dalka

Next Post

Ciidamadda Yuhuuda oo duqeeymo ay ka geeysteen qasa ku dilay  dad Falastiiniyiin ah

Next Post
Ciidamadda Yuhuuda oo duqeeymo ay ka geeysteen qasa ku dilay  dad Falastiiniyiin ah

Ciidamadda Yuhuuda oo duqeeymo ay ka geeysteen qasa ku dilay  dad Falastiiniyiin ah

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In