Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqalka sare oo dood ka yeeshey habraaca xeerka Miisaaniyadda Dowladda ee 2018+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Aqalka sare oo dood ka yeeshey habraaca xeerka Miisaaniyadda Dowladda ee 2018+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

 Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kalfadhigii labaad kullankiisii 22-aad ee Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaasi oo looga hadlay labo qodob oo kala ahaa Miisaaniyadda Dowladda ee 2018,taas oo ay soo meel mariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Weerarkii lagu qaaday Guriga Senater Cabdi Cawaale Qeybdiid.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa Mudanayaasha siiyey Warbixin ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda, waxaana uu sheegay in Madaxweynaha FJS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kala hadlay arrintan.

“Waxaan la-kulmay Madaxweyne Farmaajo waxaana uu iga codsaday in uu Miisaniyadda Saxiiixo,marka waxaan idiin soo gudbinayaa Codsiga Madaxweynaha, Dalku waxaa uu u baahan yahay in uu Miisaaniyad helo waxaana hadleynaa Danta guud ee Dalka mana jirto Miisaaniyad aan hada ka hadleyno”.

Intaas kadib waxaa Mudanayaasha Aqalka Sare Cod gacan taag ah u qaadeen in uu Madaxweynaha Dowlada uu Saxiixo Miisaaniyada waxaana ogolaatay 26, waxaa ka aamusay 3 wax diidayna majiraan.

Dhanka kale waxaa uu ka dooday Goluhu Weerarkii lagu qaaday Gurig Senatar Cabdi Xasan Cawaale.

“Waxaan soo marnay iyada oo ragga Ciidanka Madaxda u ah Gacmahooda ku wataan Madaxkamada wixii ay rabaa ay sameeyaan arrin fuulxun runtii waxaana soo jeedinayaa in wax muuqda Dowladdu ka qabato, waxan rabnaa in loo yeero Wasiirka Amniga si-wax looga weydiiyo arrimaha dalka ka dhacaya” Senatar Yuusuf Geele Ugaas.

Waxaan canbaareeyna arrinta dhacday runtii fal xun ayaa dhacay taas kadib waa in lahelaa dhibaatada meesha ay katimid waxaan soo marnay dhibaato badan waa in aan dib u laaban” Senater Saciido Xasan Cismaan.

Waxaa larabaa in leyska horkeeno Dadka iyo Dowlada taasna waxaa loo bahan yahay in laga fekero Ciidanka Gurig weeraraynm waxay ka amar qaataan Saraakiil waa in kuwaas lasoo xiro, waxaan kaloo Codsanaa in lasoo magacaabo Taliyaha Nabad Sugida”. Senater Faadumo Xasan Aadan.

Waxaan Codsanaa in loo yeero dhamaan Masuuliyiinta Amaanka si-arrintan wax looga qabto” Senater Iftin Xasan Iimaan.

“Waxaa dhacay arrin fuul xun oo laga xishoodo Amaanka Gobolka Banaadir waa in lagu wareeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir maxaa yeelay asiga ayaan toos ula xisaabtameynaa” Senater Jawaahir Axmed Cilmi.

Previous Post

Hooyo Nasro oo Madaxda Qaranka iyo Bulshada ka codsatay in la caawiyo wiilkeeda oo aan lahayn meel uu ka saxaroodo {SAWIRRO}

Next Post

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo maanta ka hadlay Weerarkii Hoyga Senator C/Qeybdiid iyo darbiga Kenya dhiseyso+Sawirro

Next Post

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo maanta ka hadlay Weerarkii Hoyga Senator C/Qeybdiid iyo darbiga Kenya dhiseyso+Sawirro

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In