Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon is waydaarsi qeyb ka ah Bandhiga Buugaagta Caalamiga ee Garoowe oo ay Qabatay (AGA)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Aqoon is waydaarsi qeyb ka ah Bandhiga Buugaagta Caalamiga ee Garoowe oo ay Qabatay (AGA)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa Magaalada Garowe waxay ku qabatay aqoon-wadaag ku saabsanaa baahida loo qabo daryeelka AfSoomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed, madashii Aqoon-wadaaggaasi oo qayb ka ahayd Bandhig-buugeedka Caalamiga ah ee Garoowe 2016 ayaa si habsami leh waxay  uga dhacday hoolka weyn ee Jaamacadda Bariga Afrika ee  xarunta Dawlad Goboleedka Puntland.
Munaasabaddaasi oo si qurux badan loo soo agaasimey ayaa waxaa ka soo qayb galey  Boqollaal qof oo isugu jirey aqoonyahanno ka kala yimid dacallada Soomaaliya iyo daafaha dunida, madax ka tirsan maamulka Puntland, macallimiinta iyo ardayda jaamacadaha iyo dad kale oo  xiiseeya arrimaha AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, sidoo kale waxaa iyana madashaasi  soo xaadirey khubarada ajnabiga ah ee ka kala ah  Dr. Georgi Kapchits iyo Prof. Lidwien Kapteijns oo labaduba ah xeeldheereyaal wax badan ka qoray suugaanta Soomaalida.
Aqoon wadaagaaasi oo aad u xiisa badnaa ayaa Aqoonyahannadii casharada  ka  soo jeediyey  waxaa ka mid ahaa Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka yimid Jabuuti, qoraa sare Axmed Faarax Cali {Idaajaa} oo ka yimid Nairobi, Maxamuud Diiriyoos oo ka yimid Maraykanka, Cabdullaahi Buraale oo ka yimid Norway iyo Maxamed sheikh Xasan oo ku sugan Garoowe.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax oo Aqoon-wadaaggaasi daah-furay ayaa iftiimiyey qiimaha weyn ee ummadda Soomaaliyeed uu ugu fadhiyo afkooda hooyo, halista ku soo fool yeelatay iyo sida loogu baahan yahay in la isu wada kaashado badbaadintiisa, isagoo  tilmaamay afku inuu yahay furaha aqoonta, aqoontu tahay albaabka horumarka, horumarkuna yahay hoggaamiyaha nolosha.
‘afka halbowlihiisa noloshu waa hal-abuurka suugaanta, kaas oo qoraalku u yahay hoyga ka celiya dayaca  iyo darayada, kana dhiga dhaxal waara’ ayuu yiri Qoraa sare Dr. Afrax oo intaasi sii raaciyay in Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ay tahay mid  loo dhisay daryeelka afka qiimahaas leh iyo aqoon-faafinta afkeena hooyo.
Ruug cadaaga Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ka mid ah maqaawiirta Akadeemiyaha ayaa isaguna wuxuu  sii iftiimiyey qiimaha AfSoomaaliga iyo saamaynta halista ah ee uu ku reebay burburkii ku dhacay Soomaaliya, Wuxuuna hoosta ka xariiqay sida ay ugu soo duuleen afaf kale iyo sida ay tayo xumada badan ka muuqato ee loo adeegsado xagga qoraalka iyo xagga ku hadalka labadaba, isagoo sii raaciyey in baahi degdeg ah loo qabo wax-ka-qabadka dhibaatadaas.
Madashaasi oo aad u qiima badneyd waxaa sidoo kale ka hadley Cabdullaahi Buraale oo ka qeyb galayaashii aqoon wadaagaasi la wadaagey xog-warran ku saabsanaa xaaladda uu ku sugan yahay adeegsiga AfSoomaaligu guud ahaan qurbaha gaar ahaanna dalka Norway oo uu ka yimid, Wuxuu sheegay Norway iyo dalalka kale ee Scandinevia inay shaqaaleeyeen boqollaal macallimiin Soomaaliyeed ah oo AfSoomaaliga ka dhiga dugsiyada ay dhigtaan arday Soomaaliyeed iyo in ay jiraan jaamcado lagu dhigo AfSoomaaliga.
Ka qeyb galayaashii madashaasi oo aad ula dhacey aqoon wadaagaasi ayaa ugu dambayntii waxay su’aalo iyo tallo-bixin ay is weydaarsadeen soo jeediyeyaasha kulankaasi, Akadeemiye-goboledka afSoomaaliga ee isku soo duwdey aqoon wadaagaasi ayaa mar walba waxay ummadda Soomaaliyeed ku baraarujisaa sidii la isaga kaashan lahaa daryeelka iyo illaalinta afkeena hooyo ee hodonka ah.
unnamed-640x360
Previous Post

Qeybo kamid ah xarunta ciidanka Cirka oo dib loo dhisaayo-Sawirro

Next Post

Wakiilka midowga Afrika oo amaanay booliiska Uganda ee Soomaaliya ka howlgalaya

Next Post
Wakiilka midowga Afrika oo amaanay booliiska Uganda ee Soomaaliya ka howlgalaya

Wakiilka midowga Afrika oo amaanay booliiska Uganda ee Soomaaliya ka howlgalaya

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In