Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon is waydaarsi qeyb ka ah Bandhiga Buugaagta Caalamiga ee Garoowe oo ay Qabatay (AGA)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Aqoon is waydaarsi qeyb ka ah Bandhiga Buugaagta Caalamiga ee Garoowe oo ay Qabatay (AGA)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026
Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa Magaalada Garowe waxay ku qabatay aqoon-wadaag ku saabsanaa baahida loo qabo daryeelka AfSoomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed, madashii Aqoon-wadaaggaasi oo qayb ka ahayd Bandhig-buugeedka Caalamiga ah ee Garoowe 2016 ayaa si habsami leh waxay Β uga dhacday hoolka weyn ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Β xarunta Dawlad Goboleedka Puntland.
Munaasabaddaasi oo si qurux badan loo soo agaasimey ayaa waxaa ka soo qayb galey Β Boqollaal qof oo isugu jirey aqoonyahanno ka kala yimid dacallada Soomaaliya iyo daafaha dunida, madax ka tirsan maamulka Puntland, macallimiinta iyo ardayda jaamacadaha iyo dad kale oo Β xiiseeya arrimaha AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, sidoo kale waxaa iyana madashaasi Β soo xaadirey khubarada ajnabiga ah ee ka kala ah Β Dr. Georgi Kapchits iyo Prof. Lidwien Kapteijns oo labaduba ah xeeldheereyaal wax badan ka qoray suugaanta Soomaalida.
Aqoon wadaagaaasi oo aad u xiisa badnaa ayaa Aqoonyahannadii casharada Β ka Β soo jeediyey Β waxaa ka mid ahaa Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka yimid Jabuuti, qoraa sare Axmed Faarax Cali {Idaajaa} oo ka yimid Nairobi, Maxamuud Diiriyoos oo ka yimid Maraykanka, Cabdullaahi Buraale oo ka yimid Norway iyo Maxamed sheikh Xasan oo ku sugan Garoowe.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax oo Aqoon-wadaaggaasi daah-furay ayaa iftiimiyey qiimaha weyn ee ummadda Soomaaliyeed uu ugu fadhiyo afkooda hooyo, halista ku soo fool yeelatay iyo sida loogu baahan yahay in la isu wada kaashado badbaadintiisa, isagoo Β tilmaamay afku inuu yahay furaha aqoonta, aqoontu tahay albaabka horumarka, horumarkuna yahay hoggaamiyaha nolosha.
β€˜afka halbowlihiisa noloshu waa hal-abuurka suugaanta, kaas oo qoraalku u yahay hoyga ka celiya dayaca Β iyo darayada, kana dhiga dhaxal waara’ ayuu yiri Qoraa sare Dr. Afrax oo intaasi sii raaciyay in Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ay tahay mid Β loo dhisay daryeelka afka qiimahaas leh iyo aqoon-faafinta afkeena hooyo.
Ruug cadaaga Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ka mid ah maqaawiirta Akadeemiyaha ayaa isaguna wuxuu Β sii iftiimiyey qiimaha AfSoomaaliga iyo saamaynta halista ah ee uu ku reebay burburkii ku dhacay Soomaaliya, Wuxuuna hoosta ka xariiqay sida ay ugu soo duuleen afaf kale iyo sida ay tayo xumada badan ka muuqato ee loo adeegsado xagga qoraalka iyo xagga ku hadalka labadaba, isagoo sii raaciyey in baahi degdeg ah loo qabo wax-ka-qabadka dhibaatadaas.
Madashaasi oo aad u qiima badneyd waxaa sidoo kale ka hadley Cabdullaahi Buraale oo ka qeyb galayaashii aqoon wadaagaasi la wadaagey xog-warran ku saabsanaa xaaladda uu ku sugan yahay adeegsiga AfSoomaaligu guud ahaan qurbaha gaar ahaanna dalka Norway oo uu ka yimid, Wuxuu sheegay Norway iyo dalalka kale ee Scandinevia inay shaqaaleeyeen boqollaal macallimiin Soomaaliyeed ah oo AfSoomaaliga ka dhiga dugsiyada ay dhigtaan arday Soomaaliyeed iyo in ay jiraan jaamcado lagu dhigo AfSoomaaliga.
Ka qeyb galayaashii madashaasi oo aad ula dhacey aqoon wadaagaasi ayaa ugu dambayntii waxay su’aalo iyo tallo-bixin ay is weydaarsadeen soo jeediyeyaasha kulankaasi, Akadeemiye-goboledka afSoomaaliga ee isku soo duwdey aqoon wadaagaasi ayaa mar walba waxay ummadda Soomaaliyeed ku baraarujisaa sidii la isaga kaashan lahaa daryeelka iyo illaalinta afkeena hooyo ee hodonka ah.
unnamed-640x360
Previous Post

Qeybo kamid ah xarunta ciidanka Cirka oo dib loo dhisaayo-Sawirro

Next Post

Wakiilka midowga Afrika oo amaanay booliiska Uganda ee Soomaaliya ka howlgalaya

Next Post
Wakiilka midowga Afrika oo amaanay booliiska Uganda ee Soomaaliya ka howlgalaya

Wakiilka midowga Afrika oo amaanay booliiska Uganda ee Soomaaliya ka howlgalaya

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In