Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon isweeydaarsi looga hadlayay dhibaatada Burcad badeeda oo lagu qabtay Dagmada Hobyo “Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 23, 2015
in Wararka
0
Aqoon isweeydaarsi looga hadlayay dhibaatada Burcad badeeda oo lagu qabtay Dagmada Hobyo “Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoon isweydaarsigani oo ahaa mid looga hadlayay arrimo la xariira dhibaatooyinkii laga dhaxlay falalkii burcad badeednimada ahaa ee ka dhici jiray qaar ka mid ah dhul xabeedka dagmada Hobyo ee gobolka Mudug iyo sida la isaga kaashan karo ka hortagida falalka foosha xun ee burcad badeednimada haddii ay soo noqdaan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta maamulka dagmada Hobyo iyo 50 ruux oo ka mid ah bulshada ku nool degmada Hobyo.

waxaa furitaanka aqoon isweydaarsigani ka hadlay Dr Cumar Maxamuud Rooble (Suuri) oo ku hadlayay magaca hey’addaha DARYEEL Iyo SOSDA oo iyagu barnaamijkani fulintiisa iska kaashanayay wuxuuna sharaxaad ka bixiyay ujeedka uu salka ku hayo aqoonisweydaarsiga, isagoona sheegay inuu yahay mid looga gon leeyahay in la iska wareysto dhibaatooyinkii laga dhaxlay burcad badeeda iyo sida la isaga kaashan karo inaysan mar dambe falalkaasi ku soo noqan dagmada Hobyo maadaama degmadaasi ay ka mid ahaan jirtay dhul xeebeedka gobalka Mudug oo ay kooxaha burcad badeed ay ku xooganaayeen.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Maxamuud Maxamed Cawaale Gudoomiyaha Dagmada Hobyo oo isna madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay dadaalka ay u galeen ka maamul ahaan in degmada Hobyo xiligaani aysan ka jirin wax la yiraahdo burcad badeednimo wuxuuna xusay ineey ku timid iskaashi ay ka yeesheen maamulka Galmudug iyo Ciidamada la dagaalanka burcad badeed ee Nato Iyo Atlanta ee ku sugan xeebaha dalkeena soomaaliya.

Ugu dambeyn qaar ka mid ah ka qeyb galayaashii aqoon isweydaarsiga oo madasha ka hadlay kadib markii ay soo gaba gabowday kala aragti qaadashadii qodabadii looga hadlay aqoon isweydaarsiga ayaa sheegay in falalkii burcad badeednimada laga dhaxlay dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid ahaayeen sida ay ka dhawaajiyeen dhaqaale bur bur kufsi dumista qoysas Soomaaliyeed dib u dhac waxbarsha la’aan iyo kuwa kale oo fara badan.

Ma’ahan markii u horeysay oo Hay’addaha DARYEEL IYO SOSDA ay u qabtaan bulshada degmada Hobyo barnaamijyo lagu wacyi galinayo maadaama shacabka degmada Hobyo iyo deegaanada ku dhow dhow ay ka mid yihiin bulshada soomaaliyeed ay saameeynta xoogani ku yeelatay falalkii foosha xumaa ee Burcad Badeednimada.

vlcsnap-2015-10-23-16h17m49s156 vlcsnap-2015-10-23-16h18m01s59 vlcsnap-2015-10-23-16h18m10s156 vlcsnap-2015-10-23-16h18m39s195 vlcsnap-2015-10-23-16h18m51s52 vlcsnap-2015-10-23-16h19m05s191 vlcsnap-2015-10-23-16h19m30s189 vlcsnap-2015-10-23-16h20m06s30 vlcsnap-2015-10-23-16h20m15s127 vlcsnap-2015-10-23-16h20m48s191 vlcsnap-2015-10-23-16h21m34s126 vlcsnap-2015-10-23-16h21m58s134 vlcsnap-2015-10-23-16h22m08s235 vlcsnap-2015-10-23-16h22m20s95 vlcsnap-2015-10-23-16h22m28s183 vlcsnap-2015-10-23-16h22m36s243 vlcsnap-2015-10-23-16h22m49s127 vlcsnap-2015-10-23-16h22m55s191 vlcsnap-2015-10-23-16h23m11s68 vlcsnap-2015-10-23-16h23m22s207 vlcsnap-2015-10-23-16h23m42s145 vlcsnap-2015-10-23-16h25m25s156

Sawir Qaade C/risaaq Maxamed Axmed Wariyaha Warbaahinta Qaranka Ee Mudug

Previous Post

Odayaal dhaqameed ku guuleystay xallinta dagaallo dhawaan ka dhacday Beladweyne

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska iyo wafdi uu hogaamiyay oo dib ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska iyo wafdi uu hogaamiyay oo dib ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Taliyaha ciidanka booliska iyo wafdi uu hogaamiyay oo dib ugu soo laabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In