Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon isweydaarsi ku saabsan nidaamka Federaalka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 1, 2015
in Wararka
0
Qoysas danyar ah oo deeq Raashin ah loogu Qeybiyay Gaalkacyo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoon isweydaarsigaan oo ay soo qaban qaabiyeen  ururka dhallinyarada Galmudug, loogana hadlayey arrimo la xiriira nidaamka Federaalka oo hadda qorshihiisu ka socdo dalka Soomaaliya sida looga dhaqan gelin karo dalka ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug.

Dood cilmiyeedkan oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galey dhallinyaro iyo ardayda ku dhaqan magaalada Gaalkacyo qeybahooda kala duwan’ ayadoo  ugu horreyn uu madasha ka hadlay guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Mudug Cabdiraxmaan Macalin Maxamuud (Nadaara)

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Barnaamijkaan waxa uu yahay mid aqoon isweydaarsi ah, loogana hadlayo Federaalka ama waxa loo yaqaano isku darka wadaaga, wuxuuna qeyb ka yahay fooramo u qorsheeysan dhallinyarada Galmudug, qodabkaan ayaana
noqday midka kowaad ee ay dhallinyaradu fooramo ka qabato, iyadoo ay jiraan qorshayaal kale” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Bile Tahaliil Cilmi oo ka mid ahaa dhallinyarada soo qaban qaabisay  kulanka ayaa tilmaamay in Nidaamka Federaalka ah uu faa’iido badan u leeyahay bulshada, isla markaana ay muhiimtahay in dhallinyarado ay wax badan ka fahmaan.

“Nidaamka la yiraahdo federalism waa awoodda oo la qeybiyay iyo kheyraadka oo la wadaago, waxaana wadaagaya dowlada federaalka ah iyo dowlad gobaleedyada, dowladihii ugu horeeyay ee isticmaala Nidaamkan, waxaa ka mid ah Mareykanka, Canada, Ruushka, dowladahaas ayaa si wanaagsan u isticmaalaya ilaa hade”ayuu yiri Bile.

Cabdullaahi Macalin Xasan oo xubin ka ah ururrada dhallinyarada ayaa yiri “ka hadalka arintaan waxaan ku dooranay maadaama dalkeena ay haatan ka socdaan sidii loo hirgalin lahaa nidaamka federaalka, si aan wax isaga
niraahno una fahano nidaamka federaalku faa’iido inuu leeyahay dalkeena iyo dadkeena”

Previous Post

Ururka Suxufiyiinta Gobollada Dhexe oo Cambaareeyay Xarigga wariyaal lagu xiray Galgaduud

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In