Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Suxufiyiinta Gobollada Dhexe oo Cambaareeyay Xarigga wariyaal lagu xiray Galgaduud

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 1, 2015
in Wararka
0
Ururka Suxufiyiinta Gobollada Dhexe oo Cambaareeyay Xarigga wariyaal lagu xiray Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Suxufiyiinta Gobollada dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay Xarigga ay Culimada Ahlusunna ugu geysteen Magaalada Dhuusamareeb Shan ka mid ah Saxafiyiinta ka howl galaysay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Ciidamadda Culimada Ahlusunna ayaa qaadey Xalay Howlgal ay si gaara Ugu beegsanayeen wariyayaasha ka howlgala Magalada Dhuusamarreeb waxaana ay ku qabteen Howlgalkoodii xalay sadex wariye oo qaarkood laga soo dhex watay iyagoo la caweynayay Carruurtooda halka kuwa kalena laga dhex qabtay goobahoodii shaqo.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Wariyayaasha xalay Xabsiga u hoyday ayaa kala ahaa Wariye Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo kamid ah Wariyayaasha u shaqeeya Warbaahinta Dawladda, Wariye C/Jamaal Macallin Axmed oo ah wariye ka tirsan KalsanTV iyo Radio Bar-kulan iyo Wariye Bashiir Maxamed Salaad Bashiir Sanka) oo ahaa wakiil Wareedka Horn CableTV ee Gobolka Galgaduud.

Hawlgal kale oo kaas lamid ah oo ay saaka qaadeen Ciidamada Ahlsunna ayaa lagu Bartil maameedsaday Idaacada Codka Bartamaha oo kamid ah idaacadaha ka howlgala Magaalada Dhuusamarreeb waxaana jir dil iyo Xarig loogu gaystay qaar kamid ah wariyayaashii warbaahintaasi Madaxa banaan ee Codka Bartamaha.

Wariyayaasha halkaasi laga watey saakay ee iyagana la xiray Waxaa kamid ah wariye  C/laahi Warsame Rooble oo u shaqeeya Idaacadda Codka Bartamaha ahna wakiil wareedka Radio Kulmiye ee Magaalada Muqdisho iyo wariye Laylo Nuur Cilmi oo iyaduna ah wariye ka tirsan warbaahinta Codka Bartamaha ee magaalada Dhuusamarreeb.

Weerarkaan ay Maamulka Ahlusunna ku qaadeen wariyayaasha ayaa Yimid kaddib markii Warbaahinta iyo wariyayaasha ku sugan  Deegaannnada ay maamulaan ay ka biya diideen Sharci Cusub oo ay soo saareen Maamulka Ahlusunna kaasi oo loo soo bandhigay maamulka iyo wariyayaasha Warbaahinta ka howlgasha Deegaannadaasi oo lagu yiri aqbala oo Saxiixa, waxaana Wariyayaashu  ay codsadeen in inta aan la soo bandhigin ay habooneed in lagala tashodo si wax looga badalo ama wax lagu wada heshiiyay uu noqodo sharciga Cusub ay keeneen Ahlusunna, Sharcigaan ayaa ah mid gabi ahaanba Ka hor imaanaya Saxaafadda xorta ah iyo Xaquuqda madaxa banana ee uu Wariyuhu leeyahay.

Bishii may ee Sanadkaan ayaa ahlusunna waxay sidoo kale ay Xirtay Radio Galgaduud xaruntiisa Magaalada Guriceel 18/ May 2015 kaasii oo xinraa mudo 13 cesha ah waxaana sidoo kale ay Ahlusunna mudo 48.saac ay xabsiga dhigeen Agaasime ku Xigeenka Radio Galgaduud C/qaadir Guure Maalin ka hor Xiritaankii Radio Galgaduud 17/ May 2015.

Previous Post

Muungaab oo Ammaanay Ururada Haweenka Gobolka “SAWIRRO”

Next Post

Aqoon isweydaarsi ku saabsan nidaamka Federaalka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post
Qoysas danyar ah oo deeq Raashin ah loogu Qeybiyay Gaalkacyo “Sawirro”

Aqoon isweydaarsi ku saabsan nidaamka Federaalka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In