Aqoon isweedaarsi ku saabsan joojinta gudniinka fircooniga ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay, bulshada rayidka ah, xubno ka socday Maamul goboleedyada iyo Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ka qeybgalayaasha ayaa ka doodi doona caqabadaha gudniinkan iyaga oo ka eegaya dhinacyada Shareecadda Islaamka iyo xuquuq Aadanaha heer Qaran iyo heer Caalami, waxaana soo qaban qaabisay hay’adda Ifraax Foundation oo kaashanaysa wasaaradda haweenka Soomaaliya, hay’adda Orchid project iyo AMISOM.
Ifraax Macalin Axmed oo ah guddoomiyaha hay’adda Ifraax Foundation kana mid ahayd qaban qaabiyaasha dood cilmiyeedka oo ka hadashay ahmiyadda barnaamijkaan uu u leeyahay Haweenka ayaa tiri “Gudniinka fircooniga ah, waxa uu dhibaato caafimaad xumo ku yahay Haweenka oo la dhibtooda xanuunka gudniinka marka ay dhalayaan”.
Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dib u eegista Xeerka ciqaabta ay ku dari doonaan qorshaha lagu mamnuucayo gudniinka fircooniga.
“Dalka hadda malaha qanuun si rasmiya u mamnuucaya gudniinka fircooniga ah, hase ahaatee waxaan ku dari doonaa dib u eegista Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.
Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta C/qaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) ayaa sheegay in ay tahay in Gudniinka Haweenka lagu saleeyo shareecadda Islaamka isagoo yiri “Waa in shareecadda Islaamka lagu saleeyaa gudniinka, iyada ayaa nooga filan wax walba”
Warbixin ay soo saartay Hay’adda UNICEF ee Q.M. Sanadkaan ayey ku sheegtay in tirada Haweenka adduunka ee maray Gudniinka Fircooniga ay gaareyso 200 oo Milyan, iyada oo Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalkaasi.