Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday deeq waxbarasho ka heshay Suudaan oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Khartuum “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Arday deeq waxbarasho ka heshay Suudaan oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Khartuum “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan oo si wada jir ah u soo agaasimeen Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan iyo waliba Golaha Ururka Ardayda Qaranka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Diblomaasiinta Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan, Ardayda wax ka barata Jaamacadaha Dalka, Waalidiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Munaasabaddan oo ujeedkeedu aheyd soo dhaweyn iyo shaado qeybin, 124 arday oo sanadkan deeq waxbarasho ka heshay Dalkan Suudaan, ayaa qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ardayda kula dar daarmay in ay ka faa’iideestaan fursada ay heleen una dhabar adeegaan Waxbarashada.

Lataliyaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya Mudane Cismaaciil Yuusuf Cusmaan oo 124-ka Arday  ku wehlinayay Safarkooda Suudaan, ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli la hayeen deeq waxbarasho, asigoona Mahadcelin balaaran ujeediyay madaxda Safaaradda iyo Ururka Ardayda soo dhaweynta ay u sameyeen Ardayda Cusub.

Dhanka  kale Uqeybsanaha Waxbarashada ee Safaaradda Nasro Axmed Maxamed ayaa sheegtay inay ka go’antahay Wasaaradda Waxbarashada kor uqaadista Tacliinta ardayda Soomaaliyeed, iyadoo  ardeyda kula dardaarmatay in ay masuuliyad gaar ah ay iska saaraan sidii ay u ilaali lahaayeen sharciga Dalkan Suudaan.

Dalka Suudaan waxaa uu ka mid yahay Dalalka Soomaaliya gacan weyn ka geysta dhanka Waxbarashada, iyadoo Sanad walba ay soo Suudaan soo gaaraan tiro arday ah oo Deeq Waxbarsho ka hesha.

Yuusuf kashmiir (Sudan)

 

 

Previous Post

Magaalada Mandheera Kenya oo marti gelineysa Todobaadka dhaqanka Soomaalida “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Amniga ee Koonfurgalbeed “Ciidanka la keenay Baydhabo waxa ay ka shaqeyn doonaan sugidda Amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab”

Next Post
Wasiirka Amniga ee Koonfurgalbeed “Ciidanka la keenay Baydhabo waxa ay ka shaqeyn doonaan sugidda Amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab”

Wasiirka Amniga ee Koonfurgalbeed "Ciidanka la keenay Baydhabo waxa ay ka shaqeyn doonaan sugidda Amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In