Munaasabadaan oo aheyd mid dhiirigalin dhanka Waxbarashada ah loogu sameeynayay Dufcaddii kow iyo Tobanaad ee ka qalin jabisay Dugsiga Sare ee Waabari oo ka mid ah dugsiyada Sare ee Dalka ee ay ka muuqanayaan horumarada Waxbarshada ayaa waxaa maanta magaalada Gaalkacyo uga qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, maamulka Degmada Gaalkacyo madax ka socatay Jaamacadaha Gobalka Mudug, waalidiin iyo marti sharaf kale
Maamulaha Dugsiga Sare ee Waabari Macalin Maxamed Sheekh Saciid oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka munaasabada dhiiri galinta loogu sameeynayay ardayda ayaa sheegay in maanta 103 Arday oo ka qalin jabineeysa Dugsiga Sare ee Waabari loo qabanayo munaasabad dhiiri galin ah, kuwaa oo noqanaya Dufacaddii kow iyo Tobanaad ee ka baxda Dugsigaasi Waabari
Qaar ka mida Madaxda Jaamacadaha Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug waaladiin iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa iyagu dhankooda bogaadiyay horumarka Waxbaraaho ee ka muuqanaya Gobalka Mudug Sanadihii u danbeeyay
Agaasimaha Waxbarashada Dagmada Gaalkacyo ee Wasaarada Waxbarashada Galmudug Xamdi Cabdulqaadir iyo Maayar ku-xigeenka Dagmada Gaalkacyo Injineer Maxamed Cabdi Cilmi oo soo xiray munaasabada ayaa bogaadiyay dadaalka horumarinta Waxbarashada ee ay wadaan maamulka iyo macalimiinta Dugsiga sare ee Waabari, iyagoo Tusaale usoo qaatay kaalimaha Ardayda wax ka barata Dugsiga Sare ee Waabari ay ka galeen imtixaankii mideeysnaa ee Dugsiyada Sare ee Dalka