Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday Imtixaan U Gashay Fursad Shaqo Oo Loo Soo Bandhigay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Arday Imtixaan U Gashay Fursad Shaqo Oo Loo Soo Bandhigay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa maanta daah furtay imtixaan laga qaadayo arday Soomaaliyeed oo shirkadda Beder Group ay u soo bandhigtay fursado shaqo, taasi oo  noqoneysa shaqo abuur dadka waxbartay.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ku dhawaad boqol arday oo wax ka baratay Jaamacadaha gudaha iyo kuwa dibadda ayaa maannta u fadhiistay imxitaan fursad shaqo ah oo ay u soo bandhigtay shirkadda Beder group, kaasi oo ah mid shaqo loogu abuurayo dadka waxbartay ee aan heysan fursado shaqo, iyadoo ay ka qeyb galeen maamulka Shirkadda, xubno ka socday rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Suleymaan Jaamac Dharas oo shirkadda beder group u qaabilsan dhanka suuqgeynta iyo xiriirka dadweynaha ayaa ka warbixiyay fursadaha shaqo ee ay u soo bandhigeen ardayda, waxaana uu intaa ku daray in wixii hadda ka dambeeya ay shaqaalaha ku qaadan doonaan sidan oo kale.

Ku simaha Guddoomiyaha Shirkadda Beder Group Yacquub Cabdullaahi Cabdiraxmaan ayaa sheegay in u jeedka ay fursadani ugu soo bandhigeen ardayda ay tahay mid lagu doonayo in sare loo qaado howlaha ay shirkadda u heyso bulshada, islamarkaana ay shaqo abuur u noqoto dhalinta wax baratay.

Guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Cabdilaahi Aadan oo daah furay imtixaanka laga qaadayo ardayda soo buuxisay fursadaha shaqo ee ay soo bandhigtay shirkadda Beder Group ayaa xusay inay tahay tallaabo ku dayasho mudan.

Imtixaanka ayaa waxa ay qaadaysaa shirkad lagu magaacabo xisaabaadka ee Anfac, iyadoo ardayda kaalmaha hore ka gala imtixaanka lagu xulan doono wareyso gaar gaar ah oo laga qaadayo, waxaana ay tani dhiiri gelineysa ardayda Soomaaliyeed waxbartay ee aan heysan fursado shaqo.

IMG_0293 IMG_0294 IMG_0295 IMG_0296 IMG_0299 IMG_0301 IMG_0302 IMG_0303 IMG_0304 IMG_0306 IMG_0308 IMG_0314 IMG_0315 IMG_0316 IMG_0317

Sawir Qaade:-Maxamed C/weli Maxamed Jaamac

Previous Post

Baarlamaanka Dalka Oo Ansixiyay Sharciga Maalgashiga Shisheeye

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In