Arday dhameystay waxbarashada heerka koobaad ee jaamacadda Soomaaliya ayaa maanta la gudoonsiiyay shahaaddooyin.
Ardaydan oo ka koobneyd Todobaatan islamarkaana dhameysatay waxbarashada heerka koobaad ee kuliyadda Shareecada iyo daraasaadka islaamiga ayaa maanta xaflad qalinjabin ah loogu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo xfaldana ay ka qeybgaleen Maamulka sare ee Jaamacadda, arday iyo Macalimiin ka tirsan jaamacdda Soomaaliya iyo marti sharaf kale.
Maxamed Jimcaale Badar oo ku hadlay magaca ardaydii maanta qalinjabiyay ayaa u mahadceliyay maamulka jaamacadda Soomaaliya wuxuuna ardyda kula dardaarmay in cilmiga ay barteen ay u sii gudbiyaan bulshada inteeda kale.
“Waxaan kula dardaarmayaa ardayda qalin jebineysa oo aan anigu ka mid ahay kuliyada shareecada gaar ahaan waxaan leeyahay lama mid tihiin kuliyaadka kale waxaad xambaarsantihiin wacyi iyo risaaladi Nabigeenna Muxamed uu Jibriil u soo dhiibay” ayuu yiri Maxamed Jimcaale Badar
Madaxa xiriirka bulshada ee Jaamacadda Soomaaliya C/llaahi Maxamuud Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa yiri “Kuliyaddan waa tan ugu qiimaha badan kuliyadaha jaamacadda ka jira cilmiyeey leedahay adduun iyo aakharaba dadka anfacaya.
Gudoomiyaha Jaamacadda Dr. Ismaaciil Cali Siyaad oo xafladda ka hadlay ayaa caddeeyay in jaamacddu ay muhiimad gaar ah siineyso Kuliyadda shareecada iyo daaraasaadka islaamiga ah islamrkaana si gaar ah loo dhiirigalin doona ardayda kuliyaddan ka baxda.
“Anigoo magaca jaamacadda ku hadlaya waxaan cadeeynayaa in ardaydaasi ay kasbadeen digriiga ay maanta qaadanayaaan kuliyada Shareecada waxeey noo leedahay ahmiyad gaar ah taasna waxaad ka arki kartiin inaan xaflad gaar ah u sameeynay” ayuu yiri gudoomiyaha jaamacadda Soomaaliya.
Gebagebadii xafladdaasi ayaa shahaaddooyin la gudoonsiiyay 70 arday oo ka qalin jebisay kuliyadda Shareecadda iyo daraasaadka Islaamka ee jaamacadda Soomaaluya.