Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday ka qalin jebisay jaamacadda Soomaaliya oo shahaaddooyin la gudoonsiiyay+Sawirro

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Arday ka qalin jebisay jaamacadda Soomaaliya oo shahaaddooyin la gudoonsiiyay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Arday dhameystay waxbarashada heerka koobaad ee jaamacadda Soomaaliya ayaa maanta la gudoonsiiyay shahaaddooyin.

Ardaydan oo ka koobneyd Todobaatan  islamarkaana dhameysatay waxbarashada heerka koobaad ee kuliyadda Shareecada iyo daraasaadka islaamiga ayaa maanta xaflad qalinjabin ah loogu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo xfaldana ay ka qeybgaleen Maamulka sare ee Jaamacadda, arday iyo Macalimiin ka tirsan jaamacdda Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Maxamed Jimcaale Badar oo ku hadlay magaca ardaydii maanta qalinjabiyay ayaa u mahadceliyay maamulka jaamacadda Soomaaliya wuxuuna ardyda kula dardaarmay in cilmiga ay barteen ay u sii gudbiyaan bulshada inteeda kale.

“Waxaan kula dardaarmayaa ardayda qalin jebineysa oo aan anigu ka mid ahay kuliyada shareecada gaar ahaan waxaan leeyahay lama mid tihiin kuliyaadka kale waxaad xambaarsantihiin wacyi iyo risaaladi Nabigeenna Muxamed uu Jibriil u soo dhiibay” ayuu yiri Maxamed Jimcaale Badar

Madaxa xiriirka bulshada ee Jaamacadda Soomaaliya C/llaahi Maxamuud Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa yiri “Kuliyaddan waa tan ugu qiimaha badan kuliyadaha jaamacadda ka jira cilmiyeey leedahay adduun iyo aakharaba dadka anfacaya.

Gudoomiyaha Jaamacadda Dr. Ismaaciil Cali Siyaad oo xafladda ka hadlay ayaa caddeeyay in jaamacddu ay muhiimad gaar ah siineyso Kuliyadda shareecada iyo daaraasaadka islaamiga ah islamrkaana si gaar ah loo dhiirigalin doona ardayda kuliyaddan ka baxda.

“Anigoo magaca jaamacadda ku hadlaya waxaan cadeeynayaa in ardaydaasi ay kasbadeen digriiga ay maanta qaadanayaaan kuliyada Shareecada waxeey noo leedahay ahmiyad gaar ah taasna waxaad ka arki kartiin inaan xaflad gaar ah u sameeynay” ayuu yiri gudoomiyaha jaamacadda Soomaaliya.

Gebagebadii xafladdaasi ayaa shahaaddooyin la gudoonsiiyay 70 arday oo ka qalin jebisay kuliyadda Shareecadda iyo daraasaadka Islaamka ee jaamacadda Soomaaluya.

Previous Post

Maleyshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab oo isu soo dhiibay Dowladda.

Next Post

Dib u dayactir lagu sameeynayo Garoonka Ciyaaraha ee Degmada C/casiis+Sawirro

Next Post
Dib u dayactir lagu sameeynayo Garoonka Ciyaaraha ee Degmada C/casiis+Sawirro

Dib u dayactir lagu sameeynayo Garoonka Ciyaaraha ee Degmada C/casiis+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In