Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday Soomaali ah oo Qeyb ka Ahaa Arday Maanta Ka Qalin Jabisay Jaamacada Kenyatta ee Nairobi:-MUUQAAL+ Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 20, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad balaaran oo ay ku qalin jabinayeen dufcadii 37-aad ee ka qalin jabisa jaamacada Kenyatta ayaa Maanta lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Munaasabaddan ayaa waxaa ku qalin jabinayay arday gaareysa ilaa 6kun oo arday oo ka kala socday wadamo dhowr ah,waxaana ka mid ahaa arday soomaali ah.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

September 18, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

September 18, 2025

Ku dhawaad 30-arday oo soomaali ah ayaa ka qalin jabinayay kuliyado kala duwan ayaa ka mid ahaa ardayda maanta ka qalin jabisay jaamacada Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Ardayda Soomaali ah ee maanta ka qalin jabisay jaamacada Kenyatta ayaa horey shahaadada darajada koowaad uga soo qaatay jaamacadaha ku yaalo magaalada muqdisho,waxana maanta la gudoonsiiyay shahaadooyinka heerka labaad ee jaamacada ee Master degree.

Markii ay soo gabagabowday munaasabadii qalin jabinta ee jaamacada Kenyatta ayaa ardaydii soomaaliyeed ee qalin jabisay,waxaay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay dhameeysteen heerkoodii labaad ee jamaacada,iyagoo u mahadceliyay waalidkii soo wax baxay iyo macalintii ku soo dadaalay.

Ardaydan Soomaaliyeed ee maanta ka qalin jabisay jaamacada Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo si ay shacabka soomaaliyeed uga faa’ideeyaan waxyaabihii ay barteeeen.

Munaasabaddan ay ku qalin jabiyeen dufcadii 37-aad ee jaamacada Kenyatta ayaa waxaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay waalidiin soomaaliyeed oo aad ugu faraxsanaa caroortoodii oo maanta qalin jabinaya.

Sanadka kasta ayaa waxaa jaamacadaha ku yaalo dalka Kenya ka qalin jabiya arday badan oo soomaaliyeed,kuwaasi oo dalkan u yimid in ay sii kororsadaan aqootooda.

IMG_29481 IMG_29491 IMG_29531 IMG_29551 IMG_29561 IMG_29581 IMG_29591 IMG_29601 IMG_29631 IMG_29641 IMG_29651 IMG_29661 IMG_29671 IMG_29681 IMG_29691 IMG_29701 IMG_29741 IMG_29751 IMG_29761 IMG_29771 IMG_29781 IMG_29791 IMG_29811 IMG_29821 IMG_29831 IMG_29861 IMG_29871 IMG_29881 IMG_29891 IMG_29901 IMG_29911 IMG_29921 IMG_29941 IMG_30001 IMG_30011 IMG_30021 IMG_30041 IMG_30051 IMG_30061 IMG_30091 IMG_30161 IMG_30171 IMG_30181 IMG_30241 IMG_30261 IMG_30271 IMG_30281 IMG_30301 IMG_30311 IMG_30321 IMG_30351 IMG_30361 IMG_30371 IMG_30381 IMG_30391 IMG_30401 IMG_30411 IMG_30421 IMG_30441 IMG_30451 IMG_30461 IMG_30471 IMG_30561 IMG_30571 IMG_30601 IMG_30611 IMG_30621 IMG_30631 IMG_30691 IMG_30711 IMG_30731 IMG_30751 IMG_30761 IMG_30771 IMG_30781 IMG_30801 IMG_30821 IMG_30841 IMG_30861 IMG_30871 IMG_30881 IMG_30891 IMG_30941 IMG_30951 IMG_31031 IMG_31051IMG_31421 IMG_31441 IMG_31461 IMG_31481 IMG_31491

Sawir qaade:-C/raxmaan Cumar Cabdi (Somali)

https://www.youtube.com/watch?v=hs4KP1fwlns&feature=youtu.be

Previous Post

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Maanta Saxiixay Sharciga Muranka Dhaliyay ee Ammanka Dalka

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo soo ceshatay Xubinnimadii Machadka Qorsheynta Carabta ”SAWIRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo soo ceshatay Xubinnimadii Machadka Qorsheynta Carabta ''SAWIRO''

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

September 18, 2025
0

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

September 18, 2025
0

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u...

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In