Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday Soomali u Badan oo Ka Qalin Jabisay Jaamacada Raaf ee Magaalada Nairobi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Arday Soomali u Badan oo Ka Qalin Jabisay Jaamacada Raaf ee Magaalada Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad Shahaadooyin lagu Gudoonsiinayay Arday Soomaali u badan oo ka qalin jabisay Jaamacada Raaf ayaa waxa ay ka dhacday Xarunta ay Jaamacadaasi ku leedahay Magaalada Nairobi.

Munaasabadani oo ahayd mid aad u balaaran ayaa waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday Soomaali u badan oo ka qalin jabisay kuliyadaha sharciga iyo Tarbiyada ee jaamacada Raaf ee Magaalada Nairobi.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Mandhera xubno ka socday dowlada Qadar Maamulka sare ee jaamacada Culimaa’udiin iyo Marti sharaf kale oo aad u fara Badan.

Mas’uuliyiintii munasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay in Arday Aad u badan oo Soomaaliyeed ay ka qalin jebiyaan jaaamacada Raaf,iyagoo dar daaran u soo jeediyay Dufcadii 3-aad ee Jaamacadaasi ka qalin jabisa,waxana ay ugu baaqeen inay ka mid noqdaan Macalimiinta wax ka dhiga iskuulada ku yaala Dalkani Kenya.

Gaba gabdii munaasabadan ayaa waxaa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay 48 arday oo ka qalin jebisay Kuliyada Sharciga iyo 22 arday oo ka qalin jabisay kuliyada tarbiyada.

Markii ay soo gabagabowday munasabada ayaa Shiikh Maxamed Shiikh Cismaan oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Raaf waxa uu ka warbixiyay Tirada ardayda shahaadooyinka la gudoonsiiyay iyo kuliyadaha ay ka qalin jebiyeen,Isagoona Xusay inay balaarinayaan Kuliyadaha Jaamacadaasi.

“Maanta waa maalin ay Qalin Jabinayeen Arday fara badan oo jaamacadan ka qalin jabiyay waa alle mahadii arday shareecada ka baxday oo 48 ah iyo arday 22 oo gabdho ah oo ka baxday kuliyada tarbiyada shahaadooyinkiina aan u qeybinay,waxaana nagala soo qeyb galay wafdi ka yimid dowlada Qadar iyo madaxdii dalka oo aad baan ugu faxsanaa guushaasi”Ayuu yiri Gudoomiyaha jaamacada Raaf Shiikh Maxamed Shiikh Cismaan.

Gudoomiyaha jaamacada ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in ardayda Jaamacada ay kaga digaan in aan lagu marin habaabin Fikradaha Xagjirnimada.

“Waxaan Aad uga dignaa Ardayda in ay dhaxgalaan dhibatooyinka ka jira caalamka oo ah xagjirnimada tacliin sax ah ayaana u dhignaaa”Ayuu Sii raaciyay Shiikh Maxamed.

Jaamacada Raaf oo ay ka qalin jabiyeen Dufcadii 3-aad oo ayaa waxay ka mid tahay Jaamacadaha Islaamiga ee ka jira Dalkani Kenya.

IMG_0063 IMG_0064 IMG_0065 IMG_0066 IMG_0079 IMG_0093 IMG_0095 IMG_0100 IMG_0116 IMG_0117 IMG_0123 IMG_0141 IMG_0145 IMG_0149 IMG_0168 IMG_0172 IMG_0191 IMG_0193 IMG_0204 IMG_0208 IMG_0233 IMG_0241 IMG_0243 IMG_0255 IMG_0260 IMG_0277 IMG_0280 IMG_0285 IMG_0291 IMG_0292 IMG_0294 IMG_0301 IMG_0310 IMG_0321 IMG_0323 IMG_0354 IMG_0356 IMG_0367

Sawir qaade:C/qaadir Cali Xuseen (Koronto)

Previous Post

Ciidanka XDS oo howlgallo kula wareegay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan

Next Post

Dhageyso war Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso war Habeen ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In