Siminaar ay waxa soo qaban qaabisay jimciyada hormarinta ee Al Irshaaq ujeydadiisu waxa ay aheyd sidii sare loogu qaadi lahaa heerka aqoneed ardayda ee dhanka waxbarashada la xiriirta madaama ay ka ka mid yihiim ardaydaasi kuwa ku howlan barashada kuliyadda beeraha.
qar ka mid ah ardayda maanta tababarka loo soo xeray oo madashaasi hadal ka jeydiyay ayaa Tilmaamay in ay waxbadan faaideysteen lagana dareemi doona habka waxbarasho ee ay ku jiraan maanta.
gudoomiyaha jimciyada Hormarinta Bulshada ee Al Irshaaq Maxmed Siidow ayaa sheegay iney sii wadi donaan barnaamijyada ay ku hormarinayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Abuukar Axmed Maxmed iyo Dr Dhubow Xaaji Huud Dhaqane oo ka mid ah masulinta Wasaarada Beeraha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa si isku mdi ah u tilmaamay qiimaha ay leedaha in bulshada ay fahanto waxsoosarka dalagga beeraha.
Gudoomiyaha iskaashitooyinka gobalka baandir Cali Cabdulle Guure oo isna gobtaasi hadal ka jeydiyay ayaa tilmaamay in jilka soo koraayo ay fahmaan qiimaha ay leedaha in laga faaideysto dalagga beeraha beeraha dalka maadaama aan leenahay dhub beereed ku wanaagsan Tabcashada Beeraha
Ugu danbeyntii xildhibaan Cali Nuur Xuseen oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka Fedaralka Soomaaliya ayaa dardaaran adag usoo jeydiiyay ardayda Maanta taba barka loo soo xeray isogoo isoo jeydiyay qimaha ay leydahay iney ardada bartaan dalagga beraheena iyo khraadka alle ku manestay dalkena.