Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Soomaaliyeed Ee Dalka Malaysia Oo Beeniyay Warar Looga Been Abuurtay Oo Lagu Dacaayadeynayo Shaqada Safaaradda

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ardayda Soomaaliyeed Ee Dalka Malaysia Oo Beeniyay Warar Looga Been Abuurtay Oo Lagu Dacaayadeynayo Shaqada Safaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kuala Lumpur,13 08 2018:-Gudiga ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Malaysia, ayaa kulan ay iskugu yimaaden waxa ay been abuur ku tilmaamen warbixin been iyo aflagaado ah oo dhawaan laga qoray safarada Soomaaliya ee wadanka Malaysia.

Gudoomiyaha Gudiga ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Malaysia Mudane Maxamed Cabdiraxaan Ismaaciil Ismail “Timo” ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixintaas been abuurka ah oo lagu dacaayadeynayo shaqada Safaaraddu u heyso bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia, isagoo si gaar ah u xusay in uu cadeeynayo in aysan jirin ilaa iyo hada arday ka cabanaysa adeegyada ardaydu ay ka helaan safaradda.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

“Hadaynu nahay ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Malaysia wax ku barta waxaa farxad inoo ah in aan heysano safiir iyo howlwadeeno diyaar u ah u adeegidda iyo garab istaagga ardayda Somaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee wadanka Malaysia ku nool xilli walba iyo Waqti walba oo ay adeeg iyo garab istaag u baahdan. Waxana cod dheer ku cambaraynaynaa ka been abuurashada magaca ardayda iyo ka been sheegida adeega ay safarada ummadda Soomaaliyeed ee wadanka Malaysia ay siiso bulshadeeda, taasoo ujeedka ka danbeeyo uu yahay iska horkeenida ardayda Somaliyeed iyo safaradooda” Ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdiraxmaan.

Gunta iyo gunaanadka hadaynu nahay ardayda Somaliyeed ee Wadanka Malaysia waxaan raali galin buuxda ka bixinaynaa gafka loo geestay howlwadeenada safarada oo uu ugu horeeyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia Mudane Dr. Abukar Abdi Osman Mardaadi, iyadoo magaca ardayda la adeegsanayo, sidoo kale waxaan waxba kama jiraan iyo been la dhoodhobay u aragnaa hadalada xaqiiqda ka fog ee laga sheegay safarada Soomaliyeed ee wadanka Malaysia, waxana cadeeynaynaa in adeega safarada ay ardayda u hayso uu yahay mid ay guud ahaan ardayda somaliyeed ee wax ka barta wadanka Malaysia ay ku qanacsan yihiin.

Wabilaahi Towfiiq.

Mohamed Abdirahman Ismail

Gudoomiyaha ardayda Somaliyeed ee Wadanka Malaysia.

13 August 2018

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka qeyb galay xuska Akadeemiye Goboleedka Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Turkiga oo shir Jaraaid ku qabtey Ankara

Next Post
Madaxweynaha Turkiga oo shir Jaraaid ku qabtey Ankara

Madaxweynaha Turkiga oo shir Jaraaid ku qabtey Ankara

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In