Friday, April 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Soomaaliyeed Ee Dalka Malaysia Oo Beeniyay Warar Looga Been Abuurtay Oo Lagu Dacaayadeynayo Shaqada Safaaradda

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ardayda Soomaaliyeed Ee Dalka Malaysia Oo Beeniyay Warar Looga Been Abuurtay Oo Lagu Dacaayadeynayo Shaqada Safaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kuala Lumpur,13 08 2018:-Gudiga ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Malaysia, ayaa kulan ay iskugu yimaaden waxa ay been abuur ku tilmaamen warbixin been iyo aflagaado ah oo dhawaan laga qoray safarada Soomaaliya ee wadanka Malaysia.

Gudoomiyaha Gudiga ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Malaysia Mudane Maxamed Cabdiraxaan Ismaaciil Ismail “Timo” ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixintaas been abuurka ah oo lagu dacaayadeynayo shaqada Safaaraddu u heyso bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia, isagoo si gaar ah u xusay in uu cadeeynayo in aysan jirin ilaa iyo hada arday ka cabanaysa adeegyada ardaydu ay ka helaan safaradda.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026

“Hadaynu nahay ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Malaysia wax ku barta waxaa farxad inoo ah in aan heysano safiir iyo howlwadeeno diyaar u ah u adeegidda iyo garab istaagga ardayda Somaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee wadanka Malaysia ku nool xilli walba iyo Waqti walba oo ay adeeg iyo garab istaag u baahdan. Waxana cod dheer ku cambaraynaynaa ka been abuurashada magaca ardayda iyo ka been sheegida adeega ay safarada ummadda Soomaaliyeed ee wadanka Malaysia ay siiso bulshadeeda, taasoo ujeedka ka danbeeyo uu yahay iska horkeenida ardayda Somaliyeed iyo safaradooda” Ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdiraxmaan.

Gunta iyo gunaanadka hadaynu nahay ardayda Somaliyeed ee Wadanka Malaysia waxaan raali galin buuxda ka bixinaynaa gafka loo geestay howlwadeenada safarada oo uu ugu horeeyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia Mudane Dr. Abukar Abdi Osman Mardaadi, iyadoo magaca ardayda la adeegsanayo, sidoo kale waxaan waxba kama jiraan iyo been la dhoodhobay u aragnaa hadalada xaqiiqda ka fog ee laga sheegay safarada Soomaliyeed ee wadanka Malaysia, waxana cadeeynaynaa in adeega safarada ay ardayda u hayso uu yahay mid ay guud ahaan ardayda somaliyeed ee wax ka barta wadanka Malaysia ay ku qanacsan yihiin.

Wabilaahi Towfiiq.

Mohamed Abdirahman Ismail

Gudoomiyaha ardayda Somaliyeed ee Wadanka Malaysia.

13 August 2018

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka qeyb galay xuska Akadeemiye Goboleedka Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Turkiga oo shir Jaraaid ku qabtey Ankara

Next Post
Madaxweynaha Turkiga oo shir Jaraaid ku qabtey Ankara

Madaxweynaha Turkiga oo shir Jaraaid ku qabtey Ankara

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In