Thursday, August 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda wax barata Jaamacadaha Dalka Uganda oo loo qabtay kulan wacyi gelin ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ardayda wax barata Jaamacadaha Dalka Uganda oo loo qabtay kulan wacyi gelin ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dood wadaagan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka wacyigelinta Nabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Aqoonyahanda wax ka barata Jaamacadaha dalka Uganda, madaxda ururda ardayda Soomaaliyeed, Uqeybsanaha Warfaafinta ee Safaaradda Soomaaliya iyo marti sharaf kale .

Kulankan oo inta badan looga doodayay  doorka Aqoonyahanka kaga aadan Nabadda Soomaaliya ayaa waxa ugu horeyn hadal soo dhaweyn u jeedisay marti sharaftii ka soo qeyb gashay kulanka Guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Cavendish Maryan Axmed Maxamed.

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026

Guddomiyaha Ururka wacyigelinta Nabadda Cabdirisaaq Maxmed Cabdulle ayaa sheegay inuu ururka mar walba diiradda saari doona la dagaallanka fikirka xagjirka, qabyaaladda iyo wacyigelinta bulshada.

Dood dheer kaddib Aqoonyahanadii xaadirka ku ahaa kulanka ayaa soo saaray dhoor qodob oo asal u ah Nabadda Soomaaliya, waxayna sheegeen in loo baahanyahay in bulshada laga waciygeliyo qabiilka, in lagu dhaqmo dastuurka u yaala dalka, in laga helo dalka Cadaallad, kala danbeyn iyo inay bulshada hesho Waxbarasho.

Gabagabadii Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya dalka Uganda Fiidow Maxamuud Fiidow oo madasha ka hadlay ayaa  qaban qaabiyasha kulanka ku booriyay inay intaan ka balaariyaan doodaha nuucan oo kale ah si loo helo Aqoonyahanno iyo Soomaaliya oo nabadoon Mustaqbalka.

Previous Post

AMISOM trains Southwest Police on human rights

Next Post

Kiisas cusub oo horleh oo laga helay dalka Kenya oo la xariira caabuqa Coronavirus

Next Post
Ka hortagga Coronavirus waa tallaabo horay loo qaaday

Kiisas cusub oo horleh oo laga helay dalka Kenya oo la xariira caabuqa Coronavirus

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In