Xaflad Doorasho ah oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday magaaladda ฤฐstanbuul ee dalka Turkiga taasi oo lagu dooranayay guddoomiyaha cusub ee ay yeelan doonaan ardayda Soomaaliyeedย ee wax ka barta magaalada ฤฐstanbuul.
Doorashada oo si heer sara loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay masโuuliyiin kale duwan oo ugu horeeyoย ย Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed Dr Axmed Cali Daahir, masโuuliyiin ka socotay safaaradda Soomaaliyeeed ee dalka Turkiga, ย masuuliyiin ka tirsan dowladda Walaalaha aynu nahay ee Turkiga, iyo marti sharaf kale.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Drย Axmed Cali Daahir ayaa khudbad aad u xiisa badan ka jeediyay madasha doorashada waxa uuna ardayda kula dardaarmay in ay doortaan hoggaanka ay u arkaan inuu mudan yahay kana soo bixi karo waajibaadka loo igmaday sido kale waxa uu ardayda kula dardaarmay in ay ku dadaalaan midnimada iyo waxbarashada kuna xisaabtamaan jiilka berito wadanka uu ku tashanayo in ay yihiin
Waxaa sidoo kale khudbad ka jeediyay goobta doorashada guddoomiya golaha shuurada ย ururka guud ee midowga ardayda Soomaaliyeed ย ee wax ka barta dalka Turkiga Cabdicasiis Caaqil Xassan oo isna ardayda ku bogaadiyay sida habsami socodka leh ee ay u soo qaban qaabiyeen doorashada mudanyihiin in lagu tusaalo qaato
Ugu dambeyntii waxaa la dhegaystay khudbadihii musharrixiinta oo kala ahaaย ENG Ibrahim Axmed Shire, Maxamud Saciid Aadan iyo Abshir Yacquub Cusmaan, kadibna waxaa loo dareeray cod bixinti iyo sanduuqa doorashada oo ay qof walba si xor ah codkeeda u dhiibatay waxaana ku guuleystay Eng Ibraahim Axmed Shire oo helay codad gaarayo 71 cod halka labadi musharax ee la tartamayna ay kala heleen 55 iyo 41 cod sidaa darteedna ay guusha ku raacday ENG Ibrahim Axmed Shire oo noqday guddoomiyada cusub ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarta magaalada baaxadda weyn ee ฤฐstanbuul
Xafladda ayaana ku soo idlaatay si qurux badan farxadi ku dheehantahay.