Saturday, May 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday ka kala socotay 11 Jaamacadood oo ka dooday Nidaamka Federaalka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 26, 2015
in Wararka
0
Arday ka kala socotay 11 Jaamacadood oo ka dooday Nidaamka Federaalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dood-wadaag looga hadleyey Nidaamka Federaalka iyo sida lagu hirgelin karo oo ay ka qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Dood wadaagan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka , isla markaana ku saabsanaa Nidaamka Federaalka iyo dowladda Wanaagga, socdayna muddo labo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay ardayda ka kala socotay 11 Jaamacadood oo ku yaalla Muqdisho, waxaana intii uu socday looga dooday ahmiyadda ay nidaamka Federaalka uu u leeyahay bulshadeena iyo sida lagu gaarsiin karo guud ahaan dalka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025

Qaar ka mid ah ardayda ka qeyb gashay dood wadaagga ayaa waxa ay ka hadleen faa’iidada uu Nidaamka Federaala ah u leeyahay bulshada, iyagoo ku taliyay in la joogteeyo doodaha looga hadlayo Federaalka iyo dowlad wanaagga, isla markaana ay noqdaan kuwa mira dhala.

Prof Yaxye Cali Ibraahim Hormuudka Jaamacadda SIU oo ugu horeyn kulanka hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in tahay tallaabo lagu farxo in arday Jaamacadeed ay ka qeyb qaataan sida nidaamka Federaalka ah lagu gaarsiin karo bulshada.

“Marka debate-ka laga hadlayo, waxa ugu weyn ee laga soo qaato waxa ay tahay in lagu soo dhiso critical think skills =kiisa, calaamad weyn waxa ay u tahay demoqraadiyadda in dadku ay exercise gareyn karaan, kaalinta ay dhalinyarada ku leedahay, doorka horumarineed ee dalka, waa mid qof kasta uu qirayo, waxaana tusaale kaaga ah Soomaaliya hadda, World bank statistics ee uu sameeyay Soomaaliya waxa lagu sheegay 70% dadka Soomaaliyeed in da’dooda ay ka yar tahay 30 sano, taasi oo ay macnaheedu yahay in dadka Soomaaliyeed ay u badan yihiin dhallinyaro, marka dadkii uu wadankan sugayay waaba idinkaba” ayuu yiri Prof Yaxye.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhanka Federaalka Cabdullaahi  Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in mudadii labada cisho ee ay socotay doodda nidaamka Federaalka uu ahaa mid guul ku soo gabo gaboobay, isagoo xusay in tallooyinka ardayda la qaadan doono.

“Mudane Wasiir iyo mudane Xildhibaan waxaan idin sheegayaa in labadii bari ee aan dhalinyarada la qaatay, ay meeshaan ay iiga muuqatay mustaqbalkii Soomaaliya in Jaamacaduhu uu ku jirto, dhalinyaro diyaarsan oo dhan waliba ka diyaarsan, dhalinyaro horseed leh inay yihiin, dadkii aan ku tashan lahayn ee Mustaqbalka dalka inay yihiin, hadalaooda markii aan dhageystay iyo sida ay isula macaamilayaan runtii waxaa iiga muuqata in Soomaalinimo ay meeshaan ka soo socoto, wadankana in uu future leeyahay” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Xidlhibaan C/kaafi Macalin Xasan oo isna ka hadlayay nidaamka federaalka ah ayaa hoosta ka xariiqay in federaalka uu yahay in awoodda dowladda dhexe ay baahsanto, isla markaana looga gol’leeyahay sidii bulshada u heli lahayd adeegyo kasta oo ay u baahanyihiin inay ka helaan degmada ay ku nool yihiin.

“Federalism, waa system awooddii dhexe ee markii hore ee bur burkan iyo waxa aan soo marnay, qofba wax buu eedeynayaa, awooddii central-ka ahayd ee kaligeed lahayd, waxaa la yiri Nepotism, ina adeerkey weeye, walaalkeey baa dhalay waxbaa sida ah, inay awooddo baahsanto, awoodda inoo dhexeyso, awoodda la qeybsado tuulo, degmo iyo gobol, marka sidaa darteed waaye, macnaha dhabta ahna waan gaari doonaa, Soomaalise Soomaali waa mid, dalkayagu waa mid” ayuu yiri Xildhibaanka.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federalaka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Xidig oo soo xiray dood wadaaga looga hadlayay nidaamka Federaalka ah ayaa sheegay in Federaalka ay Soomaaliya qaadatay uu ku saleysanyahay diinta, dhaqanka iyo jugraafi ahaan.

“Waxaan rabaa in aan idin xaqiijiyo, federaalka inaga ayaa sameysaneyna, wuxuuna ku saleysnaanayaa diinteena, dhaqankeena, deegaankeena, juqraafigeena, iyo qaab dhaqameedkeena, kaas ayuu ku saleysnaanayaa, kaas ayaana noo noqonaya, macnaha waxa waaye, federaalka macnahiisu waxa weeye, in service-ka loo dhaweeyo qof, waxaa la rabaa tuulada aad joogtid, waxa aad ka weydid in aad degmada aad ka qaadatid, oo degmadaada aad wax waliba ka hesho hadaad degmada ka weydo in aad gobolkaaga tegto, laakiin haddii aad gobolkaaga ka weyso in aadan ka doonan meel ka baxsan gobolkaaga, ayuu yiri Wasiru-dowlaha.

Gaboga gabo gabadii waxaa halkaasi shahaadooyin, bilado iyo koobab la guddoonsiiyay ardayda iyo madaxdii ka qeyb gashay, iyadoo kaalinta koowaad ay gashay Jaamacadda SIMAD, labaad waxaa gashay Jaamacadda SIU, halka kaalinta seddaad ay gashay Jaamacadda Soomaaliya, iyadoo Wasiiru dowluhu uu xusay in kan ku xiga lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

vlcsnap-2015-05-26-20h55m49s221 vlcsnap-2015-05-26-20h56m06s146 vlcsnap-2015-05-26-20h56m21s52 vlcsnap-2015-05-26-20h56m27s125 vlcsnap-2015-05-26-20h56m32s171 vlcsnap-2015-05-26-20h56m41s246 vlcsnap-2015-05-26-20h56m51s105 vlcsnap-2015-05-26-20h56m58s177 vlcsnap-2015-05-26-20h57m15s89 vlcsnap-2015-05-26-20h57m22s157 vlcsnap-2015-05-26-20h57m34s10 vlcsnap-2015-05-26-20h57m39s73 vlcsnap-2015-05-26-20h57m47s153 vlcsnap-2015-05-26-20h57m53s213  vlcsnap-2015-05-26-20h58m19s210 vlcsnap-2015-05-26-20h58m31s86 vlcsnap-2015-05-26-20h58m38s151 vlcsnap-2015-05-26-20h58m50s21 vlcsnap-2015-05-26-20h58m55s65 vlcsnap-2015-05-26-20h59m01s122 vlcsnap-2015-05-26-20h59m13s250 vlcsnap-2015-05-26-20h59m25s101

 

 

Previous Post

Dambiyada  Alshabaab ka galeen shacabka Soomaaliyeed

Next Post

RW ku xigeenka oo kulan la qaatay gudigga kormeerka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda

Next Post
RW ku xigeenka oo kulan la qaatay gudigga kormeerka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda

RW ku xigeenka oo kulan la qaatay gudigga kormeerka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn loo soo agaasimay taas oo su’aalo lagu waydiinayey Guddoomiyaha...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeeray xalay goobo gurmad ay qeyb ka yihiin...

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In