Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arooska Amiir Harry iyo Meghan waxaa ku baxaya adduun lacageed oo dhan Soddon Milyan oo Yuuro.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Arooska Amiir Harry iyo Meghan waxaa ku baxaya adduun lacageed oo dhan Soddon Milyan oo Yuuro.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saacado kooban ayaa naga xiga maalinta sida weyn loo wada sugayo ee arooska sanadka loogu magac daray, taasoo ah maalinta Amiir Harry oo ka tirsan boqortooyada Ingiriiska uu guursan doono Meghan Markle oo ah hawaaneey u dhalatay Mareykanka, arooska oo ka dhici doona Windsor, ayaa ku beegan 19 bishan.

Amiir Harry waxaa ayeeyo u ah boqorada Ingiriiska, waxaana  dhalay wiilka boqorada iyo Amiirad Diana. Amiir Harry waxaa uu guursanayaa Meghan Markle oo ah gabadh aflaamta jisha oo u dhalatay dalka Maraykanka.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Amiir Harry waxaa uu dhaxalka saldanada Ingiriiska kaga jiraa kaalinta lixaad.

Qiimaha dhaqaale ee qorsheynta adeegga arooska ku baxaya maalintan ayaa lagu qiyaasay in badan aduun dhan £32m, halka qiimaha ku baxaya ammaankuna uu gaarayo ilaa £30m.

Arooskii kan ka horeeyay ee Amiir William iyo Kate Middleton ee sanadkii 2011, waxaa dhanka ammaanka lagu kharash gareeyay lacag dhan £6.35m, kaas oo noqonaya qiime aad uga yar qiimaha arooska dhowaan dhici doona.

Sababta keentay inuu kor u kaco dhaqaalaha ku baxaya arooska ayaa lagu sheegay, arooska oo aan lagu qaban doonin bartamaha London kaddib weerarradii 18-kii bilood ee la soo dhaafay iyo sidoo kale khatarta sii kordhaysa ee ah xiriirka Amiir Harry uu la leyahay Militariga Britan.

Qoyska boqortooyada ayaa bixin doona inta ka hartay dhaqaalaha arooska, maadaama ay maal gellin ka helayaan bangiyadda dadwaynaha, waxaana aad u adag in la sheegyo qiimaha rasmiga ah ee ku baxaya arooska.

In ka badan laba kun oo xubnood ayaa ka soo qeyb geli doona dabaal degga maalintan oo ka dhici doonta qasriga boqortooydada ee Windsor oo 34 km u jira galbeedka London.

Labada  Lammaane ee isguursanaya waxay kulmeen markii ugu horreysay sanadkii 2016-kii,  Ayagoo kadibna ku heshiiyay in ay markale dib u kulmaan.

Adduunka oo dhan ayaa indhaha ku haya arooskan, ayadoo dad aad u badan oo dunida daafaheeda kala joogana ay ka daawan doonaan Tv-yada aduunka

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirrada Warfaafinta, Waxbarashada iyo Duqa Muqdisho oo si wada jir ah u daah furay tartanka aqooneedka Bisha Ramadan +Sawirro

Next Post
Wasiirrada Warfaafinta, Waxbarashada iyo Duqa Muqdisho oo si wada jir ah u daah furay tartanka aqooneedka Bisha Ramadan +Sawirro

Wasiirrada Warfaafinta, Waxbarashada iyo Duqa Muqdisho oo si wada jir ah u daah furay tartanka aqooneedka Bisha Ramadan +Sawirro

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In