Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo qado sharaf u sameeyey shaqaalaha Wasaaradda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo qado sharaf u sameeyey shaqaalaha Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 16th April, 2017..Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa  qado sharaf ugu sameeyey shaqaalaha Wasaaradda Hotel City Palace ee Magaalada muqdisho, waxaana ka soo qayb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Xooghayaha Joogtada ah, dhamaan Agaasimayaasha Wasaaradda, iyo La taliyayaasha.

Ugu horayntii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in maanta ay qiimo weyn ugu fadhido wasaarada, maadaama hal meel lagu wada qadeeyey, u jeedka laga leeyahayna ay tahay is xog waraysi iyo isbrasho.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

“Waa arin lagu farxo, maxaa yeelay waa markii kowaad ee shaqaalaha wasaaradu ay isugu yimaadaan dhamanatood kulan noocaan ah, wuxuuna kulankaan ku saabsan yahay isbarashada shaqaalaha dhexdooda iyo Wasiiradda. In ay maanta is bartaan waaxyaha dhexdooda ayaa leh muhiimad gooniya, madaama ay ka shaqeeyaan shaqaalaha qaarkood meel ka baxsan Wasaaradda, waxaa intaas dheer in lagu iclaamiyo kulankaan inuu bilowday isla xisaabtan dhab ah oo shaqaaluhu wajahayaan, cidii shaqaadeeda ka soo bixi weydana si adag loola xisaabtamayo cidi shaqo wacan la timaadana la abaal marin doono” ayuu yiri Wasiiru dowluhu.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Bayle ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta Madaxdii Wasaarada Maaliyadda oo dhaqaalaha dalka gacanta ku haysay hal meel ku wada qadeeyaan kuna sheekaystaan, si ay isu bartaan si wacana isula shaqeeyaan.

“Waxaan isugu kiin yeeray inaan is barano, in aan la socdo dhibaatoyinka mar kasta idinka hor imanaya, waxaan idinka mahad celinayaa  sida aad ugu dhabar adeegteen dhibaatooyinka amnni iyo nololeed ee dalka ka jira, qaarkiin ayaa iyagoo  xabadu meel kasta ka dhacayso jaamcado dhiganayey, waana ku farax sanahay  sida diiran oo aad isoo dhaweyseen, waana idinla shaqaynayaa, waajibka layga rabo waa in idinka iyo shaqaalaha kale ee dowladda ay helaan mushaarkooda si joogta ah”.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa yiri “Inaan la soo noqono xornimadeena waxay u baahan tahay inaan isku tashano, qof walbana masuuliyadiisa oo dhab ah ka soo baxo, wadana kuma hormaro inuu haysto Macdan, Dahab, Shidaal iyo Dheeman, ee waa dadka iyo sida ay uga fa’iidaysataan maskaxdooda ayaa abura horumarka, una fakaraan horumarka dalkooda. Hadaa nahay Soomaali inta caalamku shaqeeyo laba jibarkeed waa in la shaqeeyo, si dalkaan meesha uu joogo looga hormariyo, waxaa jira wadamo aan khayraad lahayn, lakiin dadkooda ay ka go’an tahay in ay wax qasadaan” ayuu yiri wasiir Bayle oo dhanka kale xusay in miisaaniyadda dalka ay tahay 260 milyan,  120 milyan oo kamid ah ahna laga sugo deeq bixiyayaasha caalamka, sidaas daraadeena uu qof walba dareemi karo culayska dhaqaale ee dowladda haysta.

Wasiirka ayaa ugu danbayn sheegay in dalkeena uu aad uga hooseeyo wadamada Africa, sidaas daraadeedna looga baahan yahay shaqaalaha dowladda in ay xooga saaran sidii dalku dib ugu soo kaban lahaa. Sanadka aakhirkiisana laysla xisaabtamo si dhaqaalaheenu u noqdo mid horumar sameeya.

Previous Post

Aftida Turkiga ee birri maxaa laga filan karaa? Warbixin+Sawirro

Next Post

Sawiro:Nadwo Cilmiyeedkii 15aad oo Ka bilawday Magaaladda Boosaaso.

Next Post
Sawiro:Nadwo Cilmiyeedkii 15aad oo Ka bilawday Magaaladda Boosaaso.

Sawiro:Nadwo Cilmiyeedkii 15aad oo Ka bilawday Magaaladda Boosaaso.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In