Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo qado sharaf u sameeyey shaqaalaha Wasaaradda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo qado sharaf u sameeyey shaqaalaha Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 16th April, 2017..Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Β qado sharaf ugu sameeyey shaqaalaha Wasaaradda Hotel City Palace ee Magaalada muqdisho, waxaana ka soo qayb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Xooghayaha Joogtada ah, dhamaan Agaasimayaasha Wasaaradda, iyo La taliyayaasha.

Ugu horayntii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in maanta ay qiimo weyn ugu fadhido wasaarada, maadaama hal meel lagu wada qadeeyey, u jeedka laga leeyahayna ay tahay is xog waraysi iyo isbrasho.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

β€œWaa arin lagu farxo, maxaa yeelay waa markii kowaad ee shaqaalaha wasaaradu ay isugu yimaadaan dhamanatood kulan noocaan ah, wuxuuna kulankaan ku saabsan yahay isbarashada shaqaalaha dhexdooda iyo Wasiiradda. In ay maanta is bartaan waaxyaha dhexdooda ayaa leh muhiimad gooniya, madaama ay ka shaqeeyaan shaqaalaha qaarkood meel ka baxsan Wasaaradda, waxaa intaas dheer in lagu iclaamiyo kulankaan inuu bilowday isla xisaabtan dhab ah oo shaqaaluhu wajahayaan, cidii shaqaadeeda ka soo bixi weydana si adag loola xisaabtamayo cidi shaqo wacan la timaadana la abaal marin doono” ayuu yiri Wasiiru dowluhu.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Bayle ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta MadaxdiiΒ Wasaarada Maaliyadda oo dhaqaalaha dalka gacanta ku haysay hal meel ku wada qadeeyaan kuna sheekaystaan, si ay isu bartaan si wacana isula shaqeeyaan.

β€œWaxaan isugu kiin yeeray inaan is barano, in aan la socdo dhibaatoyinka mar kasta idinka hor imanaya, waxaan idinka mahad celinayaaΒ  sida aad ugu dhabar adeegteen dhibaatooyinka amnni iyo nololeed ee dalka ka jira, qaarkiin ayaa iyagooΒ  xabadu meel kasta ka dhacayso jaamcado dhiganayey, waana ku farax sanahayΒ  sida diiran oo aad isoo dhaweyseen, waana idinla shaqaynayaa, waajibka layga rabo waa in idinka iyo shaqaalaha kale ee dowladda ay helaan mushaarkooda si joogta ah”.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa yiri β€œInaan la soo noqono xornimadeena waxay u baahan tahay inaan isku tashano, qof walbana masuuliyadiisa oo dhab ah ka soo baxo, wadana kuma hormaro inuu haysto Macdan, Dahab, Shidaal iyo Dheeman, ee waa dadka iyo sida ay uga fa’iidaysataan maskaxdooda ayaa abura horumarka, una fakaraan horumarka dalkooda. Hadaa nahay Soomaali inta caalamku shaqeeyo laba jibarkeed waa in la shaqeeyo, si dalkaan meesha uu joogo looga hormariyo, waxaa jira wadamo aan khayraad lahayn, lakiin dadkooda ay ka go’an tahay in ay wax qasadaan” ayuu yiri wasiir Bayle oo dhanka kale xusay in miisaaniyadda dalka ay tahay 260 milyan,Β  120 milyan oo kamid ah ahna laga sugo deeq bixiyayaasha caalamka, sidaas daraadeena uu qof walba dareemi karo culayska dhaqaale ee dowladda haysta.

Wasiirka ayaa ugu danbayn sheegay in dalkeena uu aad uga hooseeyo wadamada Africa, sidaas daraadeedna looga baahan yahay shaqaalaha dowladda in ay xooga saaran sidii dalku dib ugu soo kaban lahaa. Sanadka aakhirkiisana laysla xisaabtamo si dhaqaalaheenu u noqdo mid horumar sameeya.

Previous Post

Aftida Turkiga ee birri maxaa laga filan karaa? Warbixin+Sawirro

Next Post

Sawiro:Nadwo Cilmiyeedkii 15aad oo Ka bilawday Magaaladda Boosaaso.

Next Post
Sawiro:Nadwo Cilmiyeedkii 15aad oo Ka bilawday Magaaladda Boosaaso.

Sawiro:Nadwo Cilmiyeedkii 15aad oo Ka bilawday Magaaladda Boosaaso.

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In