Wednesday, July 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawiro:Nadwo Cilmiyeedkii 15aad oo Ka bilawday Magaaladda Boosaaso.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Sawiro:Nadwo Cilmiyeedkii 15aad oo Ka bilawday Magaaladda Boosaaso.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Xalay ka bilowday Masjidka wayn ee Al-Rawda  Nadwo Cilmiyeedkii  15-aad ee Sannadlaha ahayd  oo ka dhici jirtay magaalada Boosaaso.

Nadwadan oo ciwaankeedu ahaa Gundhigga Islaaxa Ummadda iyo Caqabadaha Hortaagan.

Related posts

Wasiirka Teknoolojiyadda XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay magaalada Geneva

Wasiirka Teknoolojiyadda XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay magaalada Geneva

July 8, 2026
Dardargelinta hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah ee  Wasaaradda Cadaaladda oo laga hadlay

Dardargelinta hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah ee Wasaaradda Cadaaladda oo laga hadlay

July 8, 2026

Kadib markii Aayadaha Quraanka lagu furfurtay, waxaa hadalka qaatay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo bogaadiyay Nadwada iyo culumada soo qabanqaabisay, intaa kadib waxa uu boqorku  ka hadlay waddanka xaaladda uu ku jiro iyo abaaraha ka jira,  oo uu ku tilmaamay in ay abaartan tahay tii ugu darnayd oo abid nasoo marta,  waxa uuna tilmaamay in dhibaatadaas looga bixi karo Cabsida Alle iyo ummaddu in ay Ilaaheed u noqoto.

Waxaa Intaa kadib kalimado soo dhawayn iyo ula jeeddooyinka loo qabto nadwooyinka sannadlaha ah ka  hadlay labada sheikh ee kala ah Sh. Axmed Daahir iyo Sh.C/Raxmaan Bukhaari, waxayna labada sheekh u mahad celiyeen culumada ka qayb qaadanaysa Nadwada oo ka kala yimid dal iyo dibadba.

Intaa kadib waxaa si toos ah loo guda galay darsigii koowaad oo ku saabsanaa Sooyaalka Caqlaaniyiinta iyo dhibaatooyinka fikirkaas oo uu soo jeediyay Sh. Fu’aad Maxamuud X.Nuur.

Ugu horrayn waxa uu sheekhu qeexay waxa ay yihiin Caqlaaniyiintu, waxa uuna sheegay in lagu tilmaamo ”Koox isu taagtay in ay baddasho Sooyaalka ay ummadi leedahay ” ,  sidoo kale waxa uu sheegay in lagu tilmaamo “Koox aaminsan in diinta la oggolaysiiyo fikirada ku xooggan adduunka”.

Intaa kadib waxa uu ka warramay fikirkaan meesha uu ka soo jeedo iyo cidda bilowday, waxa uuna sheegay in uu kasoo jeedo firqada culumada islaamku ay u yaqaannaan MUCTAZILAH (المعتزلة) kooxdaas oo aaminsan In Caqliga laga hor mariyo wax walba oo diintu sheegtay, kooxdaas oo diidday in qabriga la isku cadaabayo, axaadiithta tilmaamaysa dheelmiska nabiga NNKH, Soo dagista Nabi Ciise NKH iyo waxyaabo badan oo diintu sugtay.

Gabagabadii waxaa soo gunaanaday darsigaas sh.axmed faarax Garaase oo tilmaamay sababaha keenay caqlaaniyadda iyo hababka looga hor tagi karo.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo qado sharaf u sameeyey shaqaalaha Wasaaradda

Next Post

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo Xalay Si ramsi ah xilkii ula Wareegay.

Next Post
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo kormeeraya Aqalka dowladda Hoose

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo Xalay Si ramsi ah xilkii ula Wareegay.

Wasiirka Teknoolojiyadda XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay magaalada Geneva

Wasiirka Teknoolojiyadda XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay magaalada Geneva

July 8, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee XFS Maxamed Aadan Macalin ayaa ka qayb galay Shirka Wadahadalka Caalamiga...

Dardargelinta hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah ee  Wasaaradda Cadaaladda oo laga hadlay

Dardargelinta hirgelinta adeegyada dhijitaalka ah ee Wasaaradda Cadaaladda oo laga hadlay

July 8, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Faysal Aadan Xasan ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula qaatay odayaasha...

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
0

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟕 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In