Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Askartii ku dhaawacantay qaraxii shalay oo maanta loo duuliyay Imaaraadka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Askartii ku dhaawacantay qaraxii shalay oo maanta loo duuliyay Imaaraadka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa maaanta oo khamiis ah dalkeeda u qaaday 2 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Somalia oo dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarkii is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan safaaradda Imaaraatka ay ku leedaahy magaalada Muqdisho.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Maxamed Xuseen Korey iyo Shariif xasan Qodax oo labaduba ka tirsanaa ciidankii ilaalada ahaa ee la socday kolanyada Imaaraatka ayaa ku dhaawacmay weerakii shalay , Dowladda Imaaraatka ayaa diyaarad gaar ah oo ah kuwa ay ku rakiban yhiin qalab caafimaad oo dhammeystiran waxay u soo dirtay Magaalada muqisho si ay soo qaado labada askari ee dhaawaca halista ah qaba.

Labada askari ee Soomaalida ah ayaa lagu daaweyn doonaa isbitaal casri ah oo ay leeyihiin ciidamada millatariga dowladda Imaaraatka oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Abu Dhabai. Waxaana askarta dhaawacantay garoonka kusii sagootiyay saraakiil ka tirsan dowladda Somalia iyo safaarada Imaaraatka ee magaalada Muqdisho.

Masuul ka tirsan safaaarda imaaraatka ee muqdisho ayaa yiri “ ciidamada soomaaliyeed ee waardiyeynayay kolonyada saraakiisha imaaraatka ee muqdishu ku sugan waxay la mid yihiin ciidamada imaaraatka waxyna mudan yihiin inaan u fidinno gargaar caafimaad oo dhammeystiran sidaas ayaana loogu soo diray diyaarad khaas ah si loogu soo daweeyo Dalka Imaaraatka”

 Sidoo kale dowlada Imaaraatka ayaa kaalmo dhaqaale oo kala duwan u fidineysa askartii kale ee soomaaliyeed eek u dhaawacmay weerarkaasi  iyadoo qoysaska askartii geeriyoodayna loo qoondeeyay in la siiyo caawimaad ka duwan.

Dhinaca kale wasiiru dowlaha  arrimaha dibadda Dowladda Imaaraatka carabta Dr. Anwar Gargaash ayaa ku dhawaaqay in weerarka fuleynimada ah ee lagu soo qaaday shaqaalaha Imaaraatka ee muqdisho ku sugan aysan car-qaladeyn Karin shaqada walaalnimad ah ee u hayaan shacabka soomaaliyeed isla markaasna aysan wax b aka baddali doonin socodka shaqadaasi

Waalidiintii dhalay askarta oo Radio Muqdisho kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, wax yar ka hor inta aysan qaadin dhaawacyada diyaarad qaas ah oo ay usoo dirtay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta gurmadka caafimaad oo ay u fidisay caruurtooda.

Danjiraha dowladda Isutagga imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxumaaddi oo hadlay shalay qaraxa kadib ayaa sheegay in dowladdiisu ay qaadeyso dhaawacyada culus si loogu soo daweeyo Isbitaallada dalkiisa.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horey u qaadday dhaawacyada muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku waxyeelloobay qaraxyo kala duwan oo ay Muqdisho ka geysteen argagixisada xiriirka la leh Alqaacidda.

DSC03081 DSC03087 DSC03102 DSC03111 DSC03114 DSC03115 DSC03159 DSC03160 DSC03161 DSC03163 DSC03164 DSC03176 DSC03194 DSC03197 DSC03201 DSC03204 DSC03208 DSC03209 DSC03210

Previous Post

ku xigeenka Ra’isulwasaaraha oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay qaabka looga faa’ideysan karo deeqaha New deal

Next Post

Xafladda xuska 26-ka Jun oo caawa ka socota xarunta dowladda hoose ee Xamar “Ex-Fisho Governo”

Next Post
Xafladda xuska 26-ka Jun oo caawa ka socota xarunta dowladda hoose ee Xamar “Ex-Fisho Governo”

Xafladda xuska 26-ka Jun oo caawa ka socota xarunta dowladda hoose ee Xamar "Ex-Fisho Governo"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In