Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladda xuska 26-ka Jun oo caawa ka socota xarunta dowladda hoose ee Xamar “Ex-Fisho Governo”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 25, 2015
in Wararka
0
Xafladda xuska 26-ka Jun oo caawa ka socota xarunta dowladda hoose ee Xamar “Ex-Fisho Governo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaban qaabada munaasabad ballaaran oo lagu xusayo 26-ka Jun oo ah markii gabollada waqooyi ee dalkeenna ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska ayaa caawa ka socota magaalada Muqdisho.

Xafladda xuska 26-ka Jun ayaa caawa ka dhaceysa xarunta maamulka dowladda hoose ee Xamar “Fisho Governo” waxaana ka qeybgelidoona madaxda ugu sarreysa dalka, sida madaxweynaha, guddoomiyaha Baarlamanka, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, ururrada bulshada iyo marti sharaf kale.

Related posts

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

July 16, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

July 16, 2025

Munaasabadda ayaa la filayaa in caawa lagu soo bandhigo heeso waddani ah iyo suugaan ka tarjumeysa qiimaha xorriyadda,  iyo halgankii adkaa ee loo soo galay madaxbannaanida dalkeenna, iyadoo halkaasi laga xusi doono halyeeyadii naftooda ku waayay gobanimada aynu manta heysano.

26-ka Jun sanadki 1960-ki ayeey aheyd markii gobollada waqooyi ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska, iyadoo Afar maalmood kadib 1-di Lulyo ay gobollada Koofureed ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga sidaana ay ku dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliya.

Previous Post

Askartii ku dhaawacantay qaraxii shalay oo maanta loo duuliyay Imaaraadka “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

July 16, 2025
0

Ku dhawaad 50 arday oo ka qaybgalaya Barnaamijka Tababarka Internet of Things (IoT) ee Beerashada Casriga ah ayaa booqasho waxbarasho...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

July 16, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Danjire Charles Nicholas King,...

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

July 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), ayaa maanta si...

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

July 16, 2025
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii loo qodi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In