Munaasabadaan tababarka loogu furayay 20- askari oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Benaadir kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.
Tababarkan oo socon doono muddo 21 cisho ah ayaa waxaa askarta lagu barayaa howlaha la xiriira dab-damista iyo sida loo baaro kiisaska ku aadan waxa uu ka dhashay dabka kacay, iyadoo casharada ay bixin doonaan macalimiin ka tirsan Waaxda gurmadka deg dega ee maamulka Gobolka Benaadir.
Guddoomiye ku-xigeenka maamulka Gobolka benaadir ee dhanka howlaha guud Cabdicasiis Cilmi Cali oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa kula dar daarmay askarta tababarka u furmay inay ka faa’iideystaan casharada la siinayo, isla markaana ay ugu adeegaan bulshadooda.
Taliyaha hogaanka qorsheynta iyo tababarada ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Garaad Nuur Cabdulle oo ugu dambeyntii munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Benaadir fududeynta tababarkan, waxaana uu arrintani ku tilmaamay in ay tahay talaabo dhanka horumarka ah, maadaama hay’adaha dowladda ay dhexdooda tababaro isa siinayaan.