Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Askar Boolis ah oo tababar loogu soo gabagabeeyay Muqdisho (Sawiro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Askar Boolis ah oo tababar loogu soo gabagabeeyay Muqdisho (Sawiro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkani  maanta loo soo xiray   askartaan ka tirsan ciidanka  booliska  Soomaaliyeed ayaa waxaa muddo 3 asbuuc ah siinayay saraakiil ka socday dowladda  Turkiga.

Askartaan   oo  tiro ahaan   gaareysay  20  ayaa   bartay casharo ay kamid yihiin  ilaalinta   madaxda,  baarista  danbiyada  gaarka ah  iyo sida loo baaro  gadiidka  iyo guryaha iyadoo aan waxyeelo loo geysanayn bulshada.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Munaasabad shahadooyin lagu gudoonsiyey  ciidanka ayaa  lagu qabtay         xarruunta  dugsiga   tababarka   ciidanka booliska  Soomaliyeed  Jeneraal Kaahiye  ee magalada Muqdisho,  waxaana  ka qeyb   galay wasiir ku xigeenka wasaradda aminga gudaha Soomaliya,  Safiirka  dowladda  Turkiga  u fadhiya Soomaliya iyo  saraakiil  isugu jirta Soomaali iyo Turki.

Muraat   Artobaan oo ka mid ah sarakiisha  Turkiga ee ciidanka  booliska  Soomaliyeed  tababarka siinayey ayaa   sharaxaad ka  bixiyey  waxyabhiii  ay  barteen ciidanka.

Taliyaha  dugsiga  tababarka ciidanka  booliska  Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye , Gen:  Cabdirashiid Aaden Xirsi  ayaa tilmaamay  in tababarkani   uu qeyb  ka yahay  mataaneynta  dugsiga  tababarka ciidanka  booliska  Soomaaliyeed  iyo kan Turkiga oo  dhowan billowday.

Safiirka dowladda  Turkiga  u fadhiya  Soomaaliya, Olgan  Bekar  oo  ka hadlay  munaasabadda a yaa sheegay  in  tababarka ay saraakiisha  Turkiga siinayaan  ciidanka booliska uu qeyb ka yahay  tageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaradda amniga  gudaha  ee xukuumadda Soomaaliya,  Mudane Cabdinaasir Maxamed Cali ayaa  kaga  mahad celiyey  dowladda  Turkiga  taageerada  ay la garab taagan yihiin   dowladda Soomaliya iyo shacabkeeda ,  isagoo ciidanka tababarka loo soo xiray kula dar-daarmay  in  casharada la baray ay ugu adeegaan   shacabka Soomaliyeed .

Waa tababarkii u horeeyay ee noociisa ah oo dowladda Turkiga ay siiso ciidanka Booliska Soomaaliyeed laguna qabto gudaha Dalka.

.vlcsnap-2015-03-26-16h04m24s84 vlcsnap-2015-03-26-16h04m31s153 vlcsnap-2015-03-26-16h04m58s160 vlcsnap-2015-03-26-16h05m06s245 vlcsnap-2015-03-26-16h05m12s48 vlcsnap-2015-03-26-16h05m17s103 vlcsnap-2015-03-26-16h05m26s213

Previous Post

Golaha wasiirada oo ka shiray xoojinta amniga dalka iyo arrimo kale (Sawirro)

Next Post

Madaxweynaha oo soo gabababeeyay booqashadii Dhuusamareeb

Next Post
Madaxweynaha oo soo gabababeeyay booqashadii Dhuusamareeb

Madaxweynaha oo soo gabababeeyay booqashadii Dhuusamareeb

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In