Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Astaanta Aqalka sare oo la soo saaray maanta-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Astaanta Aqalka sare oo la soo saaray maanta-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Fadhigan ay xubnaha Aqalka sare ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho waxaa soo xaadiray 43 xildhibaan, waxaana ajanduhu ahaa ka doodista iyo ansixinta Astaanta Aqalka sare, shaqaalaha uu Aqalka sare qaadan doono iyo sida ay Aqalka sare uga qeyb qaadan lahaa Gurmadka abaaraha.

Kulanka ayaa waxaa Shir guddoominayay Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah Guddoomiyaha Aqalka sare.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ugu horeyn waxaa laga hadlay xaaladda Abaaraha iyo lacagaha sida loo gaarsiinayo waxaana la go’aamiyay in mudane waliba wixii uu awoodo ku wareejiyo Guddiga xubnaha Aqalka sare u xil saareen arrintaas oo shan ruux ka kooban.

Intaa ka dib, ayaa waxaa warbixin laga dhageystay Guddigii loo xil saaray Astaanta Aqalka sare uu yeelanayo, Guddigaas oo uu guddoomiye u ahaa guddoomiye xigeenka 1-aad ee  Aqalka sare Abshir Maxamed Maxamuud (Abashir Bukhaari) ayagoona halkaas ku soo bandhigay Astaanta ay soo diyaariyeen, waxaana aragtidooda ka dhiibtay xubnaha kulanka fadhiyay.

Ugu dambeyntii waxaa cod loo qaaday Astaantii la soo bandhigay, iyadoo 43 xildhibaan oo kulanka joogay ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen.

Gunaanadii kulanka xubnaha Aqalka sare ee maanta ayaa sidoo kale, waxaa Guddiga loo xil saaray in ay ka soo shaqeeyaan hannaanka loo marayo shaqaalaha uu Aqalka sare u baahan yahay, iyadoo natiijada arrintaan lagu go’aamin doono kulamada soo socda.

 

Previous Post

Xarunta Cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la dhgax-dhigay-Sawirro

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo dhaweeyay Ansixinta golaha Wasiirada

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo dhaweeyay Ansixinta golaha Wasiirada

Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo dhaweeyay Ansixinta golaha Wasiirada

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In