Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo dhaweeyay Ansixinta golaha Wasiirada

caqiil by caqiil
March 11, 2017
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo dhaweeyay Ansixinta golaha Wasiirada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa soo dhaweeyey ansixintii Golaha Wasiirrada cusub ee Hirshabeelle ee uu dhowaan soo magacaabay, iyadoo Baarlamaanka Hirshabeelle tallaabada horumarka leh ay Codka Kalsoonida ku siiyeen Golaha Wasiirada uu ku ammaanay.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Barlamaanka ayaa maanta u codeeyay si aqlabiyad ahna ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble soo dhisay dhowaan, kuwaasi oo la filayo in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday, iyadoo Wasiirrada maanta la ansixiyay ugu hambalyeeyay waajibaadka shaqo ee u billaabatay, waxaana uu faray in bulshada ay tusiyaan waxqabad muuqda.

“Waxaan soo dhaweynayaa isla markaana ammaanayaa sida mas’uuliyadda ku jirto ee Dimuqraadiyadda ah  ee baarlamaanka Hirshabeelle u ansixiyeen wasiirada. Tani waa tallaabo dhanka horumarka loo qaaday oo ay tahay shaqsi walba inuu soo dhaweeyo, Ansixintan Golaha Wasiirada oo matala dhammaan shacabka Deeganada Hirshabeelle ahna danta shacabka ayaa waxay shacabka iyo caalamkaba tuseysaa in hay’adaheenna dowliga ah ay yihiin kuwo mas’uuliyada ballaaran ee saaran u gudan kara si muhiim ah,” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle.

Sidoo kale, madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Cosoble  oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaa hadda lama huraan ah in xukuumadda cusub ay billowdo howlaha muhiimka ah ee horyaalla, hase ahaatee dadkeenu waxay ka sugayaan in horumar laga sameeyo dhan walba.”

Ugu dambeyn, Madaxweyne Cosoble wuxuu hadalkiisa ku sheegay in  Barlamaanka uu horyaallo ka doodista shaqooyinka laga sugayo iyo shuruucda muhiimka u ah dowladnimada loona baahan yahay in ay taasi xoojiyaan.

Previous Post

Astaanta Aqalka sare oo la soo saaray maanta-Sawirro

Next Post

Wariye ku dhaawacmay Qarax loogu xiray gaarigiisa Saakay

Next Post
Wariye ku dhaawacmay Qarax loogu xiray gaarigiisa Saakay

Wariye ku dhaawacmay Qarax loogu xiray gaarigiisa Saakay

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In