Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AUN Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
AUN Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Alle ha u Naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiir Kuxigeenkii Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle kana mid ahaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle Maxamed Axmed Faarax ( Kolombo)

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa Risaala u xaqiijiyay geerida wasiiru dowlaha, iyaga oo sheegay in  maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanaa sidaasina uu Maanta ku geeriyooday.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo loogu tacsiyadeeynayay Wasiirka geeriyooday ayaa waxaa lagu yiri”

“ Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr. Cabdixakim  Luqmaan xaaji Muxumed isagoo ku Hadlaya Magaciisa, kan Guddoonka, iyo Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle Waxuu ka Tacsiyadeynayaa Geerida Naxdinta leh ee ku timid Xildhibaan Marxuum Mohamed Ahmed Farah (Kolombo) oo kamid ahaa xubnaha ugu fir fircoon ee Barlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle kaas oo ku geeriyoday Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Gudoomiye Cabdixakiim ayaa Yiri waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska, Ehelka iyo Dhamaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle Geeridii  Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Mohamed Ahmed Farah (Kolombo) waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana Ilaahay naga wada siiyo.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in la’aaso meydka Alle Ha u naxariistee Wasiir dowlihii Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle kana mid ahaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle Maxamed Axmed Faarax ( kolombo), waxaana ka qeyb geli doona mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Tags: AUN Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho
Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Koofur galbeed oo Baydhabo Ku qabatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka

Next Post

Koox hubeysan oo Muqdisho ku dishay gabar dhalinyaro ah

Next Post
Kulan looga Hadlayay Shaqo La’aanta heysa Ardayda kasoo baxda Jaamacadaha oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Koox hubeysan oo Muqdisho ku dishay gabar dhalinyaro ah

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In