Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Koox hubeysan oo Muqdisho ku dishay gabar dhalinyaro ah

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Kulan looga Hadlayay Shaqo La’aanta heysa Ardayda kasoo baxda Jaamacadaha oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Koox la aaminsan yahay inay katirsan yihiin argagixisada Al-Shabab ayaa gabar lagu magacaabo Amran Odawaa Hassan waxay ku dileen degmada Yaaqshiiq ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Towfiiq.

Dhacdadaas oo argagax ku abuurtay dadka ku nool xaafada lagu dilay marxuum Amran. Goobjooge diiday in la xigto magaciisa sababo la xariira amaankiisa ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Amran lagu dilay iyada oo fadhisa irida hore ee guriga ay daganeed, kadib markii ay soo kor istaageen labo ruux oo hubaysan, kuwaas oo rasaas xoog leh la dhacay.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Rasaastaas ayaa ugu dambeyntii sababtay in marxuum Amran ay goobta guu geeriyooto rasaastii lagu dhuftay oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirkeeda.

Qaar kamid ah ehelada Allaha u naxariistee Amran ayaa noo sheegay in argagisida Al-Shabaab ay horay ugu soo bandhigeen marxuum Amran iyo xubno qoyska ka mid ah inay la shaqeeyaan kooxda.

Sidoo kale ehellada qaar ka mid ah qoyska Amran ayaa la sheegay inay dalka isaga carareen, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay saartay cadaadis xoog leh, waxayna Amran ku jirtay xubnihii dalka isaga baxay.

25-kii bishii hore ee Agoosto ayaa la sheegay in gabadha la dilay ay ka soo laabatay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay ku sugaysay Leyn dhanka dibada ah, si ay uga nabad gasho dhagarta kooxda Al-Shabaab, balse nasiib darro ugu dembayntii waxay ku baxday gacanta cadowgii ay ka baqaysay.

Previous Post

AUN Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Next Post

Madaxda Galmudug oo deeq xoolo nool ah gaarsiiyay taliska ururka 6-aad

Next Post
Madaxda Galmudug oo deeq xoolo nool ah gaarsiiyay taliska ururka 6-aad

Madaxda Galmudug oo deeq xoolo nool ah gaarsiiyay taliska ururka 6-aad

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In