Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ayax xaalufiyay beero ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose

admin by admin
November 7, 2020
in Wararka
0
Ayax xaalufiyay beero ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ayax fara badan oo gaaray gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku habsaday beero ku yaalla gobolka, gaar ahaan degmada Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga.

Ayaxa ayaa baabi’iyay dalagyada beeraha sida Galeyda,Digirta, Sisinta iyo dalagyada kale ee ka baxa beeraha, wuxuuna sidoo kale baabi’iyay daaqsinkii xoolaha.

Related posts

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025

Malaaq C/llaahi Suleymaan Cumar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in iyadoo ay ku dhibanyihiin fatahaada webiga shabeelle uu ka geystay deegaanka iyo cudurada ka dhasha, hadda ugu darsantay Ayaxa oo xaalufiyay dalagyadii ay beerteen.

Malaaq C/llaahi ayaa dowladda federaalka,maamulka Koofur galbeed iyo Hay’adaha samafalka ka codsaday in laga soo gaaro dadka ku nool Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga oo uu sheegay in beerihii ay tacbadeen qaarna fatahaada webiga ay goysay kuwa kalena Ayaxu xaalufiyay.

Ayaxa ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay wuxuu soo gaaray gobolka Shabeellaha dhexe balse hadda wuxuu usoo talaabay shabeellaha hoose,waxeyna dadku wajahayaan xaalado adag oo fatahaadu qeyb ka yihiin.

 

Previous Post

Golaha shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho

Next Post

Xildhibaannada Hirshabeelle oo ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa”SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Hirshabeelle oo ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa”SAWIRRO”

Xildhibaannada Hirshabeelle oo ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa"SAWIRRO"

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
0

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In