Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku bogaadiyey Madaxweyne Farmaajo Shirkii Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku bogaadiyey Madaxweyne Farmaajo Shirkii Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Dr. Yuusuf Al-Cuseymiin ayaa boogaadiyay Shirkii Dhab u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo sheegay in ay horseeday heshiis dhexmaray labada dhinac oo suurtagaliyey in la sameeyo guddi farsamo oo isku dhaf ah kuwaas oo sii amba qaada wadahadalada isla markaasna dabagal ku sameeya qodobbada muhiimka ah ee wali harsan.

Dr. Alcuseymiin ayaa soo dhaweeyay sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in la xalliyo arrinta Somaliland, waxa uuna sheegay in ay qeyb muhiim ah ka qaadanayso kor u qaadista nabadda iyo horumarka Gobolka.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

Sidoo kale, waxa uu uga mahad celiyey Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle martigalinta wadahadalladan, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalalka Carabta Dr. Mishcal Al-suleymi ayaa ku dhiirri geliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya in ay sii amba qaadaan wadahadallada dhab u heshiisiinta oo horseedaya horumarka iyo dib u kabashada Soomaaliya.

Dr.Mishcal ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay dalalka Jaamacadda Carabta in ay gacan ka geystaan xasillonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Qorrax Madoobaad ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.

Next Post
Qorrax Madoobaad ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.

Qorrax Madoobaad ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In