Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Federaalka oo ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay muddada afarta sano ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

20 ka August  maanta oo kale sanadkii 2012  ayaa  barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hada jira loo dhariyey  in ay noqdaan golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya  4 sano ka hor.

Kulanka ay maanta  ku yesheen  magalaada Muqdisho ayey ku soo bandhigeen waxyabhii u qabsoomay ee ay ka dhexli doonaan  ama  ay ku wareejin doonaan  Barlamaanka 10aad ee ee soo socda.

Related posts

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaalia Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  oo furitaanka  kulanka maanta ka jeediyey hadal kooban ayaa  cadeeyey in Barlamanaka  9aad ay sii jirayso xilhayntooda ilaa laga soo dhisayo golihii badali lahaa, sida ku cad qararkii golaha shacabka  ay meel mariyen  ee lagu badalay  Qodobka 61aad ee Dastuurka  KMG oo ka hadlaysay Muddada xil-haynta Baarlamaanka Federaalka.

Mudane  Mahad Caballa Cawad  Guddoomiye ku xigenka 2aad ee Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya ayaa  Xildhinabada ka hor akhriyey  waxyabhii  ugu muhiimsanaa ee golaha u qabsoomay 4tii sano e ay jireen oo ay ku jirto xarunta Villa Haragysa oo leh xafiisyo kale duwan iyo  hoy martida loogu talagalay in lagula shiro.

“4tii sano ee uu jiray baarlamaanka Federealka Soomaliya waxaa naftooda ku waayey weraro  argagxiso, iyagoo gudanayo waajibkooda shaqo  18 mudane Allah u naxriistee  iyo 8 ka mid ah shaqaalaha Barlamaanka” ayuu yiri Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiyeha barlamaanka Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa  Alle uga baryey in  uu janadii Fardowso ka waraabiyo xildhibaanada geeriyooday iyo shaqalaha  baarlamanka oo qaar badan oo ka mid ah  ay dishay gacanta cadowga argagxisada Al-shabaab.

Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo ah  golahii 9aad ee  Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa mudadii ay xilka hayeen waxa ay ku meel mariyeen ama  ku ansxiyeen  in ka badan 20 sharci oo muhiim u ah dalkeena xiligan ku jira ka soo kabashada burburkii , waxa ayna  diyaariyeen  sharuucyo iyo  agab ay ka dhexli doonaan baarlamanaka 10aad

 

Previous Post

Taliyaha Hogaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliiska oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Maxamed Cali Samatar

Next Post

Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In